Manchester United Oo Old Traffrod Guul Muhiim Ah Kaga Gaadhay Kooxda Crystal Palace

0
Thursday April 21, 2016 - 08:44:37 in by Burco Office
  • Visits: 848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester United Oo Old Traffrod Guul Muhiim Ah Kaga Gaadhay Kooxda Crystal Palace

    Man United ayaa garoonkeeda Old Traffrod guul kaga gaadhay kooxda Crystal Palace waxayna guushan ku gaadhay 2:0 iyada oo xidiga Crystal Palace eeDamien Delaney uu gool si qalad ah uu iskaga dhaliyay uu hogaanka ugu dhiibay Man United halkaMatteo Darm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Man United ayaa garoonkeeda Old Traffrod guul kaga gaadhay kooxda Crystal Palace waxayna guushan ku gaadhay 2:0 iyada oo xidiga Crystal Palace eeDamien Delaney uu gool si qalad ah uu iskaga dhaliyay uu hogaanka ugu dhiibay Man United halkaMatteo Darmian uu gool qurux badan uu Red Devils ugu xaqiijiyay guushan muhiimka ah.


Manchester United ayaa Old Traffrod ku soo dhawsay kooxda Crystal Palace oo kalsooni ka soo heshay kulankii Etihad Stadium ee ay Arsenal barbaraha la soo gashay, waxayna Red Devils diirada ku haysay in ay talaabo hore ugu sii qaado kaalinta afraad oo ay tartan xoogan ugu jirto.United

Tababare Luis Van Gaal ayaa shaxdiisa ku soo bilaabay kabtanka kooxdiisa ee Wayne Rooney, waxaana markale weerarka ka wada ciyaarayay Martial iyo Rashford. dhinaca Crystal PalaceAdebayor ayaa ku soo bilawday shaxda kooxda martida ahayd ee Palace iyada oo Zaha uu ka hor yimid kooxdiisii hore ee Red Devils.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Man United (4-2-3-1):De Gea; Valencia, Smalling, Blind, Darmian; Lingard, Schneiderlin; Mata, Rooney, Martial; Rashford.

Kaydka:Romero, Fosu-Mensah, Rojo, Young, Fellaini, Herrera, Depay.

Crystal Palace (4-3-2-1):Speroni; Kelly, Mariappa, Delaney, Souare; Jedinak, Cabaye, Lee; Zaha, Sako; Adebayor.

Kaydka:McCarthy, Dreher, McArthur, Mutch, Puncheon, Campbell, Wickham.

Manchester United ayaa qaybta hore ee kulankan hogaaanka ku haysay gool kaliya oo uu si qalad ah iskaga dhaliyay xidiga kooxda Crytal palace eeDamien Delaney kaas oo si lama filaan ah kubbada shabaqa kooxdiisa ugu duway, wuxuuna goolkan iska dhaliyay daqiiqadii 4 aad ee bilawgii ciyaarta taas oo Red Devils ka caawisay in ay 1:0 hogaanka ciyaarta ugu qabto.Lingard ayaana sabab u ahaa in uu xidigani uu goolkan iska dhalyo,Lingard takes credit for forcing the own goal that gives Manchester United the lead, although the responsibility was all Delaney's

Crystal Palace defender Delaney somehow managed to divert the ball into his own net for the opener after only four minutes

Laakiin qaybta hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid ay fursad abuurista halista ahi ay ku yartahay laakiin Crystal Palace ayaa si uun ku raadinaysay in ay iskaga soo celiso goolka hogaanka looga qabtay laakiin qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay Man United hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Manchester United ayaa markiiba heshay goolkeeda labaad waxaana daqiiqadii 55 aad gool qurux badan Man United u saxiixay difaaceeda Matteo Darmian kaas oo ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Man United hogaanka ku dheeraysatay.(L-R) Darmian, Lingard and Marcus Rashford embrace after seeing United take an early lead at Old TraffordYohan Cabaye and Emmanuel Adebayor head back to the centre circle dejected after conceding an early goal

Si kastaba ha ahaatee ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Man United ku gadhay guul muhiim ah iyada oo yeelatay 59 dhibcood waxayna wali haysataa fursad ay ugu soo bixi karto Champions Leaque-ga inkasta oo kooxaha Arsenal iyo Manchester City ay wali dhibco ka horeeyaan.