Barcelona Oo Kooxda Deportivo Cadho Kula Dul Dhacday Kadib markii Laba Jeer Hore Lga Badiyey +Sawiro

0
Thursday April 21, 2016 - 09:06:30 in by Burco Office
  • Visits: 1500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Oo Kooxda Deportivo Cadho Kula Dul Dhacday Kadib markii Laba Jeer Hore Lga Badiyey +Sawiro

    Barcelona ayaa ciilkii guuldarooyinkii ugu danbeeyay iyo qaab ciyaareedkeedii kumaa iskaga soo dhaqday kooxda Deportivo oo ay 8:0 ku soo ceebaysay, waxaana kulankan afar gool ka dhaliyay Luis Suarez kaas oo sidoo kale sameeyay saddex gool caawineed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelona ayaa ciilkii guuldarooyinkii ugu danbeeyay iyo qaab ciyaareedkeedii kumaa iskaga soo dhaqday kooxda Deportivo oo ay 8:0 ku soo ceebaysay, waxaana kulankan afar gool ka dhaliyay Luis Suarez kaas oo sidoo kale sameeyay saddex gool caawineed. Lionel Messi, Neymar iyo Bartra ayaa min hal gool dhaliyay. Barcelona ayaa ugu danbayn ka soo kabsatay musiibadii ku habsatay.


Kooxda Luis Enrique ee Barcelona ayaa marti u ahayd kooxda Deportivo La Coruna kulan guul ama geeri u ahaa kooxda Catalinia kaas oo ay ku xidhnayd rajada soo noolaansho ee Barcelona kadib markii ay saddex kulan oo xidhiidh ah ay soo guuldaraysatay kulamada La Ligaha. Barcelona ayaa kulankii hore guuldaro kala kulantay kooxda Valencia laakiin Barca ayaa maanka ku haysay waxaan guul ahayn oo ay kooxda Balaugrana kala soo laabtoRiazorStadium ayaa Barca u horseeda karto in ay sii dhex gasho musiibo aan maaro loo heli doonin.Suarez2

Tababare Luis Enrique ayaa kalsooni buuxda ka muujiyay in ay kooxdiisu dhinaca kale u dhigi doonto xaalada qalafsan ee ay ku jirtay, laakiin kulanka Deportivo ayaa ahaa kulanka kale oo ay indhaha aduunka ku soo jeedeen waxaana la sugayay waxay ay Barcelona ka samayn doonto kulankan uu xili ciyaareedkeedu ku xidhnaa.

Tababare Luis Enrique ayaan shaxdiisa laba isbadal ku sameeyay waxaana dib loogu yeedhay Dani Alves oo kulankii Valencia kaydka fadhiyay isaga oo badalay Sergio Roberto, halka Bartra uu isna badalay Pique oo kulankan ganaax ku maqan basle kooxda la soo safray.Deportivo de la Coruña - Barcelona

SHIXIII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Deportivo (4-3-1-2):Manu; Laure, Sidnei, Navarro, Juanfran; Borges, Alex Bergantinos, Mosquera; Cani; Lucas Perez, Riera.

Kaydka:Pletikosa, Manuel Pablo,Luisinho, Cartabia, Fajr, Rodriguez, Gutierrez.

Barcelona (4-3-3):Bravo; Alves, Bartra, Mascherano, Alba; Rakitic, Busquets, Iniesta; Messi, Suarez, Neymar.

Kaydka:Ter Stegen, Douglas, Arda, Rafinha, Munir, Sergi Roberto, Adriano.

Barcelona ayaa garoonka soo gashay iyada oo dhaarsan isla markaana ku socota dardar aad u xoogan waxayna markiiba bilawday in ay weerar joogto ah ku bilawdo kooxda Deportivo waxaana daqiiqadii 7 aad si fiican iskugu xidhmay Alves iyo Luis Suarez laakiin xidiga ree Uruguay ayaan fursdan uga faa’iidayn sidii ay ahayd.

DAQIIQADII 11 aad Barcelona ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay waxaana goolka furitaanka ee muhiimada wayn u lahaa kooxda Luis Enrique dhaliyayLuis Alberto Suárez oo ka faa’iidaystay koorne uu soo tuurayIvan Rakitić, wuxuuna Suarez ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Barca hogaanka ciyaarta ku qabtay.

DAQIIQADII 15 aad Luis Suarez ayaa ku dooday in qalad rekoodhe ah lagu galay kadib markii uu cadaadis kala kulmayLaure iyaga oo xerada ganaaxa Deportivo ku jiray laakiin garsooraha ayaan waxba tilmaamin inkasta oo muuqaalada iyo sawiradu ay markii danbe muujiyeen inLaure uu taabtay Suarez.

DAQIIQADO DHUL GARIIR AH: Kooxda Deportivo ayaa daqiiqadii 19 aad bilawday weerar aan la rumaysan karin isla markaana ay Barcelona dhawr jeer ku sigatay in ay hogaanka ciyaarta lumiso kadib markii ay Deportivo heshay silsilado fursado cajiib ahaa. Ma rumaysan kartid fursada uu Borges ka lumiyay Deportivo wuxuuna kubbad la horjoogay goolka Barcelona oo uu Bravo oo kaliyi ku jiray laakiin haddana waxa uu awoodi waayay in uu kaliya kubbada ku taabto goolka.

Waxayna Deportivo fursadaheeda layaabka leh ay sii waday ilaa daqiiqadii 21 aad laakiin Bravo iyo difaaca Barcelona ayaa awooday in ay ugu danbayn halistan ka badbaadaan, waxayna Deportivo u muuqatay mid qarka u saaran in ay la timaado goolka barbaraha. Sidoo kale Barcelona ayaa dhinaceeda ka waday weeraro rogaal celis ah oo dilaa ah, waxayna ciyaartu noqotay mid ay xamaasadeedu cirka isku shareertay.

DAQIIQADII 24 aad markale Luis Alberto Suárez ayaa hogaanka u dheereeyay Barcelona isaga oo markan ka faa’iideeyay kubbad aan la rumaysan karin oo uu Lionel Messi ku bixiyay isaga oo sii jeeda, wuxuuna Suarez kubbada uu kula soo baxay goolka Deportivo isaga oo soo jabiyay dabinka offside-ka wuxuuna si sahlan ku dhamaystiray goolkiisa labaad isaga oo ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Barcelona hogaanka ku dheeraysatay.Goolkan ayaa ahaa goolkii 28 aad ee uu Suarez xili ciyaareedkan ka dhaliyay La Ligaha.

DAQIIQADII 34 Luis Suarez ayaa iska lumiyay fursad dahabi ahayd oo uu ku dhamaysan karay saddexleyda uu kulankan ka raadinayay, wuxuuna markan helay fursad aan ka yarayn fursadihii uu goolasha hore ku dhaliyay, waxayna Barcelona markan noqotay kooxda goolka saddexaad laga filan karo waxayna si joogto ah u abuuraysay fursado badan.

Deportivo de la Coruña - Barcelona

Markale waxaa la dareemay in Barcelona ay ciyaarayso kadib markii ay dhawr todobaad ciida ku hoos jirtay, wuxuuna Enrique kooxdiisa ka dalbanayay in ay sii kordhistaan goolasha si ay ciyaarta xili hore u dilaan. Laakiin si kastaba qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Barcelona hogaanka ciyaarta ku haysay.Deportivo de la Coruña - Barcelona

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Barcelona ayaa markale sii wadatay qaab ciyaareedkeeda fiican iyo dardarta xoogan ee ay kulankan dib u soo ceshatay waxaana daqiiqadii 47 aad Barcelona goolka saddexaad u keenay Ivan Rakitic oo goolkan ku dhaliyay kubbad qurux badan oo uu ka helayLuis Alberto Suárez, wuxuuna darbo xoogan uu ku taabtay shabaqa isaga oo ciyaarta ka dhigay 3:0 ay Barcelona hogaanka ugu raaxaysanayso.Suarez ayaana laba gool dhaliyay wuxuuna sidoo kale sameeyay gool caawinta Rakitic.Deportivo de la Coruña - Barcelona

DAQIIQADII 53 aadLuis Alberto Suárez ayaa dhamaystirtay saddexleyda uu kulankan ka dhaliyay isaga oo markale gool caawin ka helay Lionel Messi,wuxuuna markan Suarez ciyaarta ka dhigay 4:0 ay Barcelona ku xasuuqayso kooxda ay martida u ahayd ee Deportivo waxaana markan bilawday in Barca ay si buuxda u burburiso Deportivo si ay kalsoonideeda dib ugu soo ceshato.Suarez

DAQIIQADII 64 aad Luis Suarez ayaa markale indhaha xaday isaga oo markan shabaqa ku gaadhay goolkiisa afraad iyo goolka shanaad ee Barcelona, wuxuuna Suarez goolkan ku helay in Neymar uu u haneeyay xidiga ay isku kooxda yihiin si uu goolkiisa afraad udhaliyo, waxayna ciyaartu noqotay 5:0 ay Barcelona ku gumaadayso Deportivo.Deportivo de la Coruña - Barcelona Deportivo de la Coruña - Barcelona

DAQIIQADII 73 aadLionel Andrés Messi ayaa markiisa goolka lixaad u saxiixay Barcelona isaga oo markan abaal ka helay Luis Suarez oo uu hore laba gool uga soo caawiyay, wuxuuna Messi dhaliyay gool ay jamaahiirta Barcelona ay si khaas ah ugu dabaal degeen, waxayna u arkayeen in ay guushani soo celinayso ruuxdii kooxdooda,waxayna ciyaartu noqotay 6:0 ay ciyaartu tahay mid jiho kaliya ka socota.Deportivo de la Coruña - Barcelona

WAQTIGII CIYAARTA: Daqiiqadii 79 aad da’yarka difaaca Barcelona kulankan ku bilawday isla markaana Pique badalay eeMarc Bartra Aregall ayaa jamaahiirta Barcelona ka yaabsaday kadib markii uu sida weerarka kubbada ula dhex orday difaaca Deportivo isla markaana uu dhaliyay gool qurux badan wuxuuna markiisa ciyaarta ka dhigay 7:0 ay Barcelona ku burbursanayso Deportivo oo xili horeba dabaysha kala raacday. Laakiin badhiga goolasha daadka ah ee Barcelona ayaa halkooda ka sii socday.Deportivo de la Coruña - Barcelona

DAQIIQADII 81 aad waqtigiiNeymar da Silva Santos ayaa yimid isaga oo markiisa maray dariiqa shabaqa Deportivo lagu qaybsaday wuxuuna goolkan ku dhaliyay kubbad uu caawinteeda sameeyay Luis Suarez kaas oo markale dhamaystirtay saddexleyda gool caawineed uu Suarez kulankan ka sameeyay wuxuuna Neymar si qurux badan u dhamaystiray kubbad ay Messi iyo Suarez ay ka soo shaqeeyeen waxayna ciyaartu noqotay 8:0 ay Barcelona ku ceebaysay kooxda Deportivo.Deportivo de la Coruña - Barcelona

Barcelona ayaa kulankan ka heshay saddex dhibcood oo ay dib ugu soo noolaysay xili ciyaareedkan fadeexaad ka noqnayay waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 8:0 ay Barcelona ku xasuuqday kooxda Deportivo, waxayna Barcelona soo laabanaysaa iyada oo markale soo noolaysay radeedada La Ligaha oo god dheer ku sii dhacaysay.