Daawo: Weftigii uu hogaaminayey Wasiirka Madaxtooyada oo Si Diiran loogu soo dhoweeyey Dalka Canada gaar ahaan magaalada Toronto
Waftiga uu hoggaaminaayay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, ayaa soo gaadhay dalka Canada waxaana si diiran loogu soo dhaweeyay Magaaladda Toronto.
Waftiga oo maalmihii u danbeeyay safaro ku galabixinaayay Gobolada waddanka Maraykanka oo ay kala qayb galayeen xuska 18 May, waxay galabta soo gaadheen Magaaladda Toronto, Oday Xaji Ducaale oo ku hadlaayay afka Jaaliyada Somaliland ee soo dhaweysay waftiga, ayaa si weyn ugu riyaaqay safarka waftigu ku yimadeen dalka Canada, waxayna Jaaliyaddu waftiga waftiga ku maamuseen casho sharaf losii diyaariyay taas oo ka dhacday Maqaaxida SAHAN, ka hor intaan la geyn Huteelada loogu tallo galay.
Geesta kale waxaa u mahad naqay dadkii soo dhaweeyay Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Baashe Maxamed Faarax oo xubnaha waftiga kamid ah, wuxuuna sheegay inay kulamo la yeelan doonaan Jaaliyada Somaliland ee dalka Canada.
Contact@afkashacabka.com

0 