Safiirka Somaliland Ufadhiya Dalka Yemen Oo Xuska 18 ka May Kala Qayb Galay Jaaliyada Somaliland Ee Degan Dalka Yemen

0
Wednesday May 21, 2014 - 07:15:38 in by salman abdi
  • Visits: 1318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Somaliland Ufadhiya Dalka Yemen Oo Xuska 18 ka May Kala Qayb Galay Jaaliyada Somaliland Ee Degan Dalka Yemen

    Safiirka Somaliland ee Dalka Yemen Amb. Cali Maxamed Axmed ayaa socdaal Hawleed ugu baxay Gobolka Tacis iyo Magaalo xeebeedka Makha , Socdaalkani ayaa uu Safiirku kala qayb galay Dabaal daga 18-ka May Jaaliyada Gobolka Tacis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Somaliland ee Dalka Yemen Amb. Cali Maxamed Axmed ayaa socdaal Hawleed ugu baxay Gobolka Tacis iyo Magaalo xeebeedka Makha , Socdaalkani ayaa uu Safiirku kala qayb galay Dabaal daga 18-ka May Jaaliyada Gobolka Tacis

 isaga oo la kulmay Odayaasha Jaaliyada , Ganacstada, Maamulka Dahabshiil -Tacis iyo Ardayda Gobolkaasi Tacis.

Munaasabadan ayaa looga faa'iidaystay sidii Wareegtadii Wasaaradda Arr. Dibdeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ka soo baxday ee Qaadhaan Ururinta Wadada Ceerigaabo looga qayb qaadan lahaa . Waxaana la isla qaatay in wixii ay karaan ku darsandaa Horumarka dalkooda iyaga oo u soo gudbinaaya gudiyada laga sameeyay Gobolkaasi ee soo ururinta qaadhinka.

Safiirku intaas ka dib waxa uu sii dhaafay Deegaan Xeebeedka Dekada Makha oo ah meesha saldhiga u ah Ganacsiga Xoolaha ka soo dhoofa Dalka iyo Bagaashka loo dhoofiyo wadanka.

 

Kulankani uu Safiirku la kulmay Gudoonka Ganacsatada Xoolaha iyo odayaasha deegaanka ayaa waxay iska waraysteen sidii looga qayb qaadan lahaa Qaadhaan ururinta Wadada Ceerigaabo iyo in uu soo indha indheeyo duruufaha dadka ka dhoofaaya Dekada Makha .


Kulankani waxaa waheliyay Dabaal daga 18-ka may oo uu safiirku kala qayb galay Ganacstada Xoolaha ee Makha isla deegaanka Makha.

Guud ahaan Sanadkan Xafladaha dabaal daga 18-ka May ee Wadankan Yemen waxay ka dhaceen meelo kala duwan , taas oo si gaar gaara ah jaaliyadu uga dhigayeen gobolada kala duwan ee wadanka , waxaa se sanadkan aan la qaban xafladii Guud ee Magaalada Sanca Xafiiska , Jaaliyada iyo Ardaydu wada qaban jireen . waxayna taa badalkeeda uga faa'iidaysteen in Qaadhaanka Wadada Ceerigaabo ahaan lagaga qayb galo Dabaal daga sanadkan ee Yemen.

Waxaanu Hawada u marinaynaa Hambalyo Umada Reer Somaliland iyo Madaxdeeda Meelkasta oo ay joogaan , waxaana leeyahay Sanadkan sanadkiisa ku gaadha Bash bash , barwaaqo iyo Ictiraaf caalami ah.



ALLA MAHAD LEH ,

XAFIISKA SOMALILAND EE YEMEN,

Sanca - Yemen.

- See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=130733#sthash.9sQNFQ9E.dpuf