Zinedine Zidane Oo Xaqiijiyay In Ronaldo & Benzema Ay Boqolkiiba Boqol Taam Uyihiin Kulanka Man City Ee Lugta Hore Ee Champions Leaque-ga Iyo Real Madrid Oo Bilaabtay Tababarkeeda Eitahad Stadium

0
Tuesday April 26, 2016 - 08:11:36 in by Burco Office
  • Visits: 1147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Zinedine Zidane Oo Xaqiijiyay In Ronaldo & Benzema Ay Boqolkiiba Boqol Taam Uyihiin Kulanka Man City Ee Lugta Hore Ee Champions Leaque-ga Iyo Real Madrid Oo Bilaabtay Tababarkeeda Eitahad Stadium

    Manchester (AFKA)Tababaraha kooxda Real Madrid eeZinedine Zidane ayaa cadeeyay in Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema ay boqolkiiba boqol taam u yihiin in ay ciyaaraan kulanka Manchester City ee lugta hore ee Champions Leaque-ga oo ay habeen danbe ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester (AFKA)Tababaraha kooxda Real Madrid eeZinedine Zidane ayaa cadeeyay in Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema ay boqolkiiba boqol taam u yihiin in ay ciyaaraan kulanka Manchester City ee lugta hore ee Champions Leaque-ga oo ay habeen danbe ka dhici doona Etihad Stadium.


Zinedine Zidane oo ka hadlayay shirkisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka Manchester City ayaa sidan xaqiijiyay wuxuuna yidhi:"Ronaldo iyo Benzema boqolkiiba boqol ayay taam yihiin, waxaan tijaabin doonaa wax kasta, laakiin fikradu waxay tahay in ay ciyaari karaan”.Ronaldo and Karim Benzema (second right) will both be '100 per cent' for Tuesday night's gameCristiano Ronaldo (left) will be fit to play in the Champions League semi-final, his manager has confirmedDani Carvajal, Alvaro Arbeloa and Sergio Ramos take part in the training session on Monday night

Zinedine Zidane oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:"labadooduba horumar fiican ayay sameeyeen, waxaanu eegi doonaa sida ay barri noqdaan, qof kastaaba waxa uu doonayaa in uu kulankan ciyaaro. Waxaanu hadda qaadan doonaa tababarka ugu danbeeya waananu eegi doonaa. Waa ciyaartoy nafdooda jidh ahaan udaryeela, waxaan filayaa in ay fiicnaan doonaan si ay u ciyaaraan, maanta way fiican yihiin”.Real Madrid ayaa bilaabtay tababarka ay ugu diyaar garoobayso kulanka Manchester City ee habeen danbe, waxaana tababarka qayb ka ah Ronaldo iyo Benzema.

But the Real star was back training at the Etihad stadium ahead of Tuesday's first-leg clashZindedine Zidane talks to his players during the session on the Etihad pitch ahead of the crucial clash

Zidane oo ka hadlaya kulanka Manchester City ayaa yidhi:"Waxaan halkan City ka samayn doonaa waxa ugu fiican ee aanu awoodno, City waxay anaga nagu samayn doontaa cadaadis, xaalka ayayna nagu adkayn doontaa, laakiin taas diyaar ayaanu u nahay.

Gareth Bale oo Zidane shirka jaraa’id la qabtay ayaa hadalkiisa raaciyay:"Waanu ognahay in uu noqon doono kulan adag, laakiin qof kastaba waxa uu u noqon doonaa kulan xiiso badan in la daawado. Kulamada lugta hore markasta cadaadis ayaa ka jira wayna xidhan yihiin, laakiin wax kasta oo ugu fiican ayaanu siin doonaa”.Gareth Bale controls the ball with Ronaldo watching on, as Real Madrid trained on the pitch in Manchester

"waxaanan rajaynayaa in ay noqon doonto mid ku filan. Anigu waxaan la yaabanahay in ay xili hore Manchester City halkan soo gaadhin, waa koox horumar samaysay oo xoog ku noqotay Premeir Leaque-ga. Hadda City aad iyo aad ayay u fiican tahay waxaanan rajaynayaa in aanu awoodi doono in aanu joojino”.ayuu Bale hadalkiisa sii raaciyay.

Zinedine Zidane oo ka sii hadlaya Manchester City ayaa yidhi:"Kooxda aanu ka hor imanaynaa waa koox wayn, haddii aad City baan u samayso waay ku dhibaataynaysaa, ciyaartoydu way isku xidhmayaan dhibaato ayayna kugu abuurayaan, waxaanu isku dayi doonaa inayna taasi dhicin, kadib waxaanu heli doonaa kubbada aanu doonayno in aanu cadaadis ku samayno kaas ayaa ah qorshaha”.Zidane

Zinedine Zidane oo ka hadlaya qorshaha kooxdiisa uga yaala Keven De Bruyne ayaa yidhi:” Qorshaha De Bruyne? waanu isku dayi doonaa in aanu samayno. Waxaanu ognahay in uu yahay ciyaartoy sare oo ku jira qaab ciyaareed fiican. Markii uu kooxdan yimid waxa uu muujiyay tayada ciyaartoy ahaaneed ee uu leeyahay, waxa uu si fiican ugu xidhmaa Aguero, waxaanu eegi doonaa waxa dhaca barri, waxaanu isku dayi doonaa in aanu isaga ula ciyaarno sida ugu fiican ee aanu awoodno”.Kompany said the in-form midfielder (right) could attract defenders away from City's other starsDe Bruyne scored in both legs of City's quarter-final victory over French giants Paris Saint Germain