Hargaysa:Jamciyada Mu’asasatul Karam Oo Dawro Socotay Sadex Todobaad U Soo Gaba Gabaysay 90 Arday+Sawiro -

0
Friday May 06, 2016 - 01:36:43 in by salman abdi
  • Visits: 641
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Jamciyada Mu’asasatul Karam Oo Dawro Socotay Sadex Todobaad U Soo Gaba Gabaysay 90 Arday+Sawiro -

    Jamciyada Mu'asasatul Karam ayaa 90 arday oo dhalinyaro ah u soo gaba gabaysay dawro u socotay mudo sadex todobaad ah. Dawradan oo uu bixinayey Sheekh Siciid Jibriil Gaaxnuug ayaa ardayda lagu barayey kutubo uu qoray sheekh Ibnu Taymiyah oo k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamciyada Mu'asasatul Karam ayaa 90 arday oo dhalinyaro ah u soo gaba gabaysay dawro u socotay mudo sadex todobaad ah. Dawradan oo uu bixinayey Sheekh Siciid Jibriil Gaaxnuug ayaa ardayda lagu barayey kutubo uu qoray sheekh Ibnu Taymiyah oo ka mid ahaa culimada waa weyn ee islaamka, waxaana munaasibadii lagu soo gaba gabaynayey ka soo qayb galay xubno ka tirsan jamciyada Mu'asasatul Karam, Sheekh Maxamed Macalin Cabdi Carab, sheekh Siciid Jibriil Gaaxnuug oo dawradan bixinayey, Sheekh Maxamed Xuseen iyo marti sharaf kale.




Sheekh Aadan Cabdiraxmaan jaamac oo ka mid ah xubnaha jamciyada Mu’asasatul karam oo ka hadlay munaasibadii lagu soo xidhayey dawradan ayaa waxa uu ka waramay muhiimada ay dawradani u leedahay ardayda,waxaana hadaladiisii ka mid ahaa "Waxyaalaha aynu uga jeedno dawradan waxa ka mid ah inaynu korino wacyiga ay dhalinyarada u leeyihiin diintooda,bulshadooda iyo inuu qofku noqdo xubin ka mid ah bulshada xaga wax qabadka, naxariista, firfircoonada iyo inuu qofku noqdo mid tusaale laga dhigto, waxa kale oo ka mid ah ahmiyada dawradan oo si gaar ah uga muuqatay waxa hogaaminayey dhalinyarada dibada wax ku soo bartay oo uu hogaaminayo Siciid Jibriil Gaaxnuug waxa wehelinayey Maxamed Abiib taas oo macnaheedu tahay inay dadkeena dibaduhu soo faa,iidaystaan oo ay aqoon dalkooda kula soo noqdaan, waxa kale oo ahmiyada dawradan ku jirtay inaynu qofka tusno inay muhiim tahay inuu qofku diintiisa barto, dadnimadiisana uu barto dalkiisana uu barto kuwaas oo aan ahayn qaar is diidaya, waanan sii wadi doonaa dawrooyinka noocan ahi, waxaana dawradan lagu qaadan doonaa abtirsiin dhinaca cilmiga ah.”

 

Sidoo kale Sheekh Siciid Jibriil Gaaxnuug iyo Sheekh Maxamed Macalin Cabdi Carab oo iyaguna ka hadlay munaasibadan ayaa ka waramay muhiimada ay lahayd dawradani, waxaanay dhamaanba ardaydii ka qayb gashay u soo jeediyeen inay sii wada barashada culuumta diinta islaamka.


Gaba gabadiina waxa munaasibadaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyey dhamaan ardaydii qaadatay dawradan socotay mudada sadexda todobaad ah