Duqa Magalada London Oo Marki Ugu Horaysay Ku Gulaysya Nin Muslim Ah Iyo Dunida Islaamka Oo Si Wayn Looga Soo Dhawayay.

0
Saturday May 07, 2016 - 08:35:30 in by salman abdi
  • Visits: 476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Magalada London Oo Marki Ugu Horaysay Ku Gulaysya Nin Muslim Ah Iyo Dunida Islaamka Oo Si Wayn Looga Soo Dhawayay.

    Dadaala Xaji Cabas Waa Gaadha Waana Dhaafa. ". Mr. Sadiq Khan oo 45-jir ah, waxaa loo doortay oo uu ku guulaystay Maayarka Caasimadda Caasimadaha adduunka ee London.. Waa nin muslim ah oo waliba asal ahaan aan dalka Boqortooyadda Ingiriiska u dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadaala Xaji Cabas Waa Gaadha Waana Dhaafa. ". Mr. Sadiq Khan oo 45-jir ah, waxaa loo doortay oo uu ku guulaystay Maayarka Caasimadda Caasimadaha adduunka ee London.. Waa nin muslim ah oo waliba asal ahaan aan dalka Boqortooyadda Ingiriiska u dhalan. Balse haddana Wuxuu ka dhabeeyay hamigiisi,

Wuxuuu Ka soo jeedaa qoys u dhashay dalka Pakistan, wuxuuna ku dhashay London.Abihii wax uu ahaa Mid kamid ah wadayaasha basaska dadweynaha ee London (Bus Drive) hooyadiina waxay tolijirtay Maryaha, wuxuu kusookoray Estate house . Wuxuu ka noqday Wasiir dawladii Golden Brown, isagoo noqday Wasiirka Xidhiidhka iyo Wasiirka Gaadiidka. Iminka ayaa loo doortay Maayarka London, waxaas oo humar ah ayuu sameeyay. Wuxuunaka tirsanaa Xisbiga shaqaalaha (Labour Party).


Qiimayno (Figures) laga qaaday 2011-kii (Population) dadka ka ku nool London wakhtigaas waxay ahaayeen 8.2 million. Oo aanay ku jiraan dadka soo booqda magaalada. Dadka intaas leeg oo laba jeer laab Somaliland dadkeeda ka badan Madaxweyne ayuu u noqonayaa Mr. Sadiq Khan.

Waa qofkii ugu horeeyay ee muslim ah ee London Maayar ka noqda, waxayna doorashada Mr. Khan ku soo beegantay xili sawiro iyo musawir aan qurux badanayn laga bixinaayay Islaamka, waxayna u tahay farxad dhammaan Islaamka ku nool ama la nool dadyowga ay kala diimaha yihiin, iyadoo doorashada Maayarka London tusaysa inay yihiin dad nadiif ah oo Diinta Islaamkuna tahay min nabad gelyo xanbaarsan..