Waxyeelo Baladhan Oo Soo Gaadhay Duqaymo Aan Loo Meel-Dayin Oo Lagu Garacay Xeerooyinka Qoxontiga Suuriya +Sawiro

0
Saturday May 07, 2016 - 08:55:50 in by salman abdi
  • Visits: 736
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxyeelo Baladhan Oo Soo Gaadhay Duqaymo Aan Loo Meel-Dayin Oo Lagu Garacay Xeerooyinka Qoxontiga Suuriya +Sawiro

    Diyaaradaha dagaalka Dowlada Bishaar Al-Asad ayaa lagu eedeeyay in ay gantaalo ku garaaceen xero ay dagnaayeen dad barakacayaal ah, waxaana duqeyntaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray dadkii Xeradaasi ku sugnaa. Xerada Qaxootiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradaha dagaalka Dowlada Bishaar Al-Asad ayaa lagu eedeeyay in ay gantaalo ku garaaceen xero ay dagnaayeen dad barakacayaal ah, waxaana duqeyntaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray dadkii Xeradaasi ku sugnaa. Xerada Qaxootiga dagnaayeen ee la duqeeyay ayaa ku taala Gobolka Idlib ee dalka iSiriya, waxaana xerada la duqeeyay ku noolaa dad badan oo Siiriyaan ah kuwaa oo guryahooda uga barakacay dagaalada ka socda dalkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay duqeyntaasi 28-qof oo kamid ahaa dadkii qaxootiga ahaa ee kunoolaa xeradaasi ayna ku jiraan caruur iyo haween, waxaa sidoo kale duqeyntaasi ka dhashay dhaawacyada dad kale oo aad u badan kuwaa oo goobaha caafimaadka lagu daweenayo.
 


Stephen O'Brien, oo Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani'aadanimada ayaa cambaareeyay duqeynta loo geestay xerada ay qaxootiga ku jireen, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah loo baaro weerarkaasi ka dhacay gobolka Idlib.


Sargaalkan ayaa tilmaamay in ay aad uga naxeen dhibaatada loo geestay dadka qaxootiga ah, waxa uu sheegay in cidda mas'uuliyadda weerarkaasi leh ay wajahayso cawaaqib, isagoona caalamka ugu baaqay in arintaasi il gaar ah lagu eego.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain, Philip Hammond, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Suuriya, Bashar al-Assad, in uu quursanayo dadaalada ay wadaan beesha caalamka ee lagu joojinayo colaadda dalkaasi.

War kasoo baxay Aqalka cad ee dalka Maraykanka, ayaa sidoo kale lagu canbaareeyay weerarka cirka ah ee ka dhacay xerada kutaala Gobolka Idlib, waxaana weerarkaasi Mareykana uu ku tilmaamay mid aan qiil laheyn.