Askari Ka Tirsan Ciidamada Puntland Oo Ku Geeriyooday Qarax Ka Dhacay Buuraha Galgala

0
Saturday May 07, 2016 - 09:11:54 in by salman abdi
  • Visits: 592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Ka Tirsan Ciidamada Puntland Oo Ku Geeriyooday Qarax Ka Dhacay Buuraha Galgala

    Wararka ka imaanaya Buuraha Galgala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada Puntland uu ku dhintay qarax miino.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Buuraha Galgala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada Puntland uu ku dhintay qarax miino.


Qaraxan ayaa la sheegay in lala beegsaday askar lugeynayay oo ku socday dhinaca magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhaawacmay askari kale, waxaana qaraxu dhacay xilli uu roob da’ayay.

Meydka askariga dhintay iyo dhaawaca askariga kale ayaa la geeyay magaalada Boosaaso, ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay qaraxa miino ee lala beegsaday ciidamada Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa saldhig ku leh buuraha Galgala, iyagoo sanadkii hore ka saaray Al-Shabaab saldhigyo ay ku lahaayeen Buuraha.