Muqdisho:Gudoomiyihi Hore Ee Maxkamada Sare Dalka Somaliya Oo Ka Hadlay Xilka Qaadiskii Lagu Samayay.

0
Saturday May 07, 2016 - 09:50:01 in by salman abdi
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:Gudoomiyihi Hore Ee Maxkamada Sare Dalka Somaliya Oo Ka Hadlay Xilka Qaadiskii Lagu Samayay.

    Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Sare ee dalka, Ceydiid C/llaahi Ilka-Xanaf oo shir jaraa'id xalay ku qabtay Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegay inuusan doonayn in dartiisu uu dalku qalalaaso siyaasadeed iyo mid dastuur u galo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Sare ee dalka, Ceydiid C/llaahi Ilka-Xanaf oo shir jaraa'id xalay ku qabtay Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegay inuusan doonayn in dartiisu uu dalku qalalaaso siyaasadeed iyo mid dastuur u galo.


Avv. Ilka-Xanaf ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo xil ka qaadista Madaxweynaha, isla markaana uu diyaar u yahay inuu shaqada ka tago oo uu ka fariisto, maadaama muddo 60-sano ku dhaw uu dalka u soo shaqeynayay.

"Wadanku sharci ayuu leeyahay - waa dhab, wixii sharciga yahay waa sidiisii, wax xaaraan ah anigu ma xalaaleynayo, haddaan danta dalka iyo tan shacabka eegana ma doonayo inaan dhibaateeyo, wax aniga igu saabsan dalkeennu bur-bur uma geli doono, shaqo aan jecleysa-nayo Dalka dhibaato ugama imaanayso, mana jeceli inay ku yimaadaan Waddanku khilaaf siyaasadeed iyo mid dastuur,” ayuu yiri Ilka-Xanaf.

Sidoo kale, Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, ayaa xusay in markii uu dalka dib ugu soo laabanayay 1994-kii ujeeddadiisu ay ahayd in minidmada dalka la xoojiyo, wixii markaas ka dambeeyayna uu qabtay xilal kala duwan.

Ugu dambeyn, Avv. Caydiid Ilka-xanaf ayaa 04-tii bishan May waxaa xilka si rasmi ah uga qaaday madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud, iyadoo xilkaas loo magacaabay loona dhaariyay Dr. Ibaarhim Iidle Suleymaan. 




Contact@afkashacabka.com