Sare u kac ku yimid sarifka Doollarka oo sababay inay xirmaan suuqyada Garoowe

0
Saturday May 07, 2016 - 12:33:18 in by Burco Office
  • Visits: 636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sare u kac ku yimid sarifka Doollarka oo sababay inay xirmaan suuqyada Garoowe

    Ganacsatada yar-yar eeMagaalada Garoowe, ayaa maanta Albaabbada u laabay Ganacsigoodii kaddib markii uu kor usii kacay Sarrifka Doollarka oo loo sababaynayo lacago cusub oo soo galay suuqyada Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsatada yar-yar eeMagaalada Garoowe, ayaa maanta Albaabbada u laabay Ganacsigoodii kaddib markii uu kor usii kacay Sarrifka Doollarka oo loo sababaynayo lacago cusub oo soo galay suuqyada Puntland.


Suuqyada qudaarta iyo hilibka ayaa xiran, iyadoo ganacsatadu ay si weyn uga cabanayaan maciishada oo qaaliyowday iyo inaysan awood u lahayn inay suuqa badeecooyin keenaan, maadama uu sarifka lacagtu kor u sii socdo maalinta walba.

Maamulka gobalka Nugaal oo cabashada Dadweynaha ka duulaaya ayaa kulan deg-deg oo ay albaabadu u xiran yihiin, la qaadanaaya Ganacsatada Suuqa Garoowe si dib loogu furo suuqan oo muhiim u ah Garoowe.

Shaqo-joojinta ay Ganacsatadu sameysay ayaa daba-joogta Mudaharaadyo lagaga soo hor jeedo sara u kaca doollarka iyo maciishada oo ka dhacay magaalooyinka waa-weyn ee Puntland siiba Garoowe iyo Boosaaso.

Maamulka Puntland ayaan illaa hadda si toos ah uga hadlin qaylo-dhaanta shacabka mana muuqato talaabo lagu xakameynaayo sarrifka doolarka iyo maciishada faraha kasii baxaya.

Ugu dambeyn, Deegaannada Puntland Waxaa lagu Sarrifayaa halkii Doollar Qiimo dhan 26,000 oo Shilling Soomaali ah, halkii uu horay uga ahaa 21,000, iyadoo ay xusid mudan tahay inaysan waxba iska beddelin sarifka doollarka iyo maciishadda Koonfurta Somalia.