Maamulka Puntaland Oo Wasir Ka Dhawacmay U Diray Dalka Jabuuti

0
Saturday May 07, 2016 - 15:57:24 in by salman abdi
  • Visits: 682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Puntaland Oo Wasir Ka Dhawacmay U Diray Dalka Jabuuti

    Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo maalmo ka hor ku dhaawacmay is rasaaseyn dhex martay ciidamo ka tirsna Puntland loo qaaday dalka Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo maalmo ka hor ku dhaawacmay is rasaaseyn dhex martay ciidamo ka tirsna Puntland loo qaaday dalka Jabuuti.


Dhaawaca Wasiirka oo markii hore ahaa mid fudud ayay warar kala duwan ka soo baxayaan, waxaana markii loo qaadayay garoonka diyaaradaha Boosaaso laga qariyay warbaahinta.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawaca Wasiirka diyaarad qaas ah looga qaaday garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Wararka ayaa intaa ku daraya in diyaarada lagu qaaday dhaawaca Wasiirka Amniga Puntland sidoo kale ay horay u sii raaceen Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Madaxweynihii hore C/raxmaan Faroole, kuwaasoo lagu casuumay munaasabada lagu caleema saarayo Madaxweynaha Jabuuti.

Khamiistii ayay aheyd markii Wasiirka Amniga Puntland uu dhaawac ka soo gaaray shaqaaqo ka dhacday Boosaaso, kaasoo u dhaxeysay Ilaalada labo Taliye ciidan.