Wasaaradda Waxbarashada oo isku xidhay Diwangelintii iyo imtixanadki Shahaadiga ahaa Ardaydana ugu Hanjabtay inaanay imtixanka gelayn haday is diwangelin wayaan

0
Monday May 09, 2016 - 09:49:58 in by salman abdi
  • Visits: 687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Waxbarashada oo isku xidhay Diwangelintii iyo imtixanadki Shahaadiga ahaa Ardaydana ugu Hanjabtay inaanay imtixanka gelayn haday is diwangelin wayaan

    Wasiirka waxbarashada Somaliland mudane Cabdilaahi Ibraahin Habbane ayaa ardayda wax ka barata dugsiyada sare iyo dhexe ugu hanjabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka waxbarashada Somaliland mudane Cabdilaahi Ibraahin Habbane ayaa ardayda wax ka barata dugsiyada sare iyo dhexe ugu hanjabay

 in aanu  imtixaan galayn ardayga aan is diwaangalin ee aan sida kaadhkii codaynta.

Waxaana uu wasiirku amar ku bixiyay maamulayaasha dugsiyada waxbarasho inaan imtixaan losii dayn Karin arday aan siday warqadii diiwaanglinta  isaga oo dhanka kalena ardayda ugu baaqay inay is diwaangaliyaan isla markaana ay qaataan kaadhka codaynta.

Waxaana wasiirka oo arimahaa ka hadlaya uu yidhi.

"Diiwaangalntii waxay ka socotaa iminka gobolkan maroodi-jeex waxanay tagi doonta insha alllah buuhoodle,sool iyo sanaag,waxaanan sheegaynaa diiwaangalintu waa qodob muhiima  dhalinyaradana waa u muhim, ardayda dugsiyada ee qaangaadhay ee hoose, dhexe, sare iyo jaamacadahaba waxaan ka codsanaynaa inay is diwaangaliyaan, maamulkooda iyo macalimiintoodana waxaan u sheegaynaa in imtixaanka lagu xidhi doono ardaygii is diwaangaliyaana uu imtixaanka gali doono kii kalena aanu galayn marka laga reebo ardayda rabta inay tagaan oo gobolo kale iska soo diiwangaliyaan iyo caruurta aan da’dii gaadhin inta kale waa lagu xidhayaa”Sidas ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Dheere.

Wasiirka waxbarashada Somaliland isagoo hadalkiisa si wata ayaa waxa uu intaa ku daray.

"Amarkani waa mid wasaarada kasoo baxay waanan bixinay waana la waydiinayaa imtixaanka yar iyo ka shahaadiga ahba midna u fadhiisan mayaan ardaydii aan warqada diiwaangalinta sidani waana amar soo baxay markaa waa inay dhalinayradu is diwaangaliyaan’”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiirka waxbarashada Somaliland

Si kasteb ha ahaatee hadalkan kasoo yeedhay wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilii ay diiwaangalintii codbixiyayaashu kasocoto gobolka maroodi-jeex ayna sida la sheegay ka muuqato habacsanaan wayni.