Heesaga Caanka Ee Maxamed Bk Oo Laga Caydhiyay Kooxda Xidigaha Geeska Iyo Sababta Keentay

0
Monday May 09, 2016 - 10:26:33 in by salman abdi
  • Visits: 2412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heesaga Caanka Ee Maxamed Bk Oo Laga Caydhiyay Kooxda Xidigaha Geeska Iyo Sababta Keentay

    Guddoomiyaha Kooxda Fanaaniinta Xidigaha GEES-ka Xasan Dhuxul Laabsaalax ayaa shaaca ka qaaday inuu gebi ahaan-ba kooxdii ka saaray Fanaankii calanka u siday kooxda ee aadka loo jeclaa ee Maxamed Siciid BK,Isaga oo ku sababeeyey inuu jabiyay qawaanii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Kooxda Fanaaniinta Xidigaha GEES-ka Xasan Dhuxul Laabsaalax ayaa shaaca ka qaaday inuu gebi ahaan-ba kooxdii ka saaray Fanaankii calanka u siday kooxda ee aadka loo jeclaa ee Maxamed Siciid BK,Isaga oo ku sababeeyey inuu jabiyay qawaaniintii iyo shuruucdii u taalay kooxda.


 

Fanaanka Maxamed Siciid BK waa fanaanka kooxda Fanaaniinta Xidigaha Geeska wakhtigan calanka u sida, isla markaana aadka jecel-yahay, iyada oo ay Heesihiisa ay aad u dhageystaan dhalinyaradu wakhtiyadan danbe

"Fanaanka Maxamed Siciid BK waa Saaxibkay, waa walaalkay maanta laga bilaabo waxaan gebi ahaan-ba ka saaray Kooxdii fanaaniinta Xidigaha Geeska ee uu ka midka ahaa, isaga oo ka hor yimi shuruucdii iyo qodobadii u yaalay kooxda. Sidaa daradeed anna waxaan go’aansaday inaan ka saaro kooxda”. Ayuu yidhi Xasan Dhuxul-Laabsaalax

Abwaan Laabsaalax wax faah-faahin dheeraad ah muu sheegin iyo weliba qodobka uu jabiyay fanaan Maxamed Siciid BK.

Source: Hayaan