Xukuumada Turkiga Oo Gargaar Bani'aadamnimo U Soo Dirtay Dadka Soomaaliyeed Ee Ay Abaartu Saameysay

0
Monday May 09, 2016 - 11:50:43 in by salman abdi
  • Visits: 612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Turkiga Oo Gargaar Bani'aadamnimo U Soo Dirtay Dadka Soomaaliyeed Ee Ay Abaartu Saameysay

    Dawlada Turkiga, ayaa Ku Dhawaaqday in Somalia u dirtay Markab sida shixnad gargaar ah oo kala duwan, taasoo loogu talo-galay in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Turkiga, ayaa Ku Dhawaaqday in Somalia u dirtay Markab sida shixnad gargaar ah oo kala duwan, taasoo loogu talo-galay in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed.


Hay’adda Gar-gaarka deg-degga ah ee dalka Turkiga, ayaa Warbixin ay soo saartay waxay ku xustay in shixnad gaaraysa 11,000 oo tan ay u dirtay Somalia , si loo caawiyo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Guddoomiyaha Hey’adda Fuad Oktay, ayaa sheegay in shixnadan ay tahay mid loogu talo-galay shacabka Soomaaliyeed ee ay abaarihii waddanka ku dhuftay dhawaan ku yeesheen saameynta.


Ugu dambeyn, Turkiga ayaa horay kaalmo bani’aadanimo u gaarsiiyay Somalia, wuxuuna ahaa Wadankii u horreeyay ee soo gurmaday shacabka Somaaliyeed xilli ay abaar baahsan oo macluul sababtay ay ku dhufatay Somalia Sannadkii 2011-kii.
"Waxaan gar-gaarkan ugu talo-galnay in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinku ku haystaan Somalia oo dhan, waa muhiim inaan caawinaa guud ahaan hooyooyinka Soomaaliyeeed,” ayuu yiri Fuat Oktay.