Ra'iisul Wasaaraha Somaliya Oo Magacaabay Guddi Dabagala Eedeymo Loo Soo Jeediyay Sirdoonka Somaliya Ee Nisa.

0
Monday May 09, 2016 - 12:10:29 in by salman abdi
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha Somaliya Oo Magacaabay Guddi Dabagala Eedeymo Loo Soo Jeediyay Sirdoonka Somaliya Ee Nisa.

    Raysul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa guddi xaqiiqo raadin ah u magacaabay eedo loo jeediyay hay'addaha amniga dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa guddi xaqiiqo raadin ah u magacaabay eedo loo jeediyay hay'addaha amniga dalka

Guddigan oo ah guddi heer wasiir ah ayaa ka kooban 4 xubnood oo kala ah.

1. Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Mudane Cabdullaahi Axmad Jaamac (Ilka-jiir) 2. Wasiirka Wasaaradda Arr. Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa 3. Wasiira Wasaaradda Amniga Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed 4. Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Bashiir Maxamed Jaamac Xukuumada Federaalka Soomaaliya, waxa ay cafis u fidisay dhalinyarada la qalday ee ka soo baxsada kooxaha nabadda diidan ee Al shabaab oo u adeegsada caruurta falal qaribaad ah, naftoodana lagu haligo, waxa ayna taakuleyn siisay dhalinyaro badan oo ka soo baxsaday Al shabaabka kadib markii ay garowsadeen in dhaqamada kooxdani uu yahay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka, Nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.  Guddigan ayaa soo baari doona wararka la xiriira adeegsiga dhalinyaro yar yar oo ka soo baxsaday kooxaha nabadiidka ah ee Al shabaab oo hay’addaha anmnigu u adeegsaeen inay u Basaasaan xogna uga keenaan Al shabaabka, sida lagu daabacay wargeysyada qaar.