Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Go’aamo Adag Ka Soo Saartay Caleemo Saarka Salaadiinta iyo Cuqaasha Cusub.

0
Monday May 09, 2016 - 15:28:50 in by salman abdi
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Go’aamo Adag Ka Soo Saartay Caleemo Saarka Salaadiinta iyo Cuqaasha Cusub.

    Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde oo inta badan soo saara amaro aan fulin wadan, ayaa. Markale ku celiyay amaro ka dhan ah madaxdhaqamedka cusub waxana qoraal xafiiska warbaahinta wasaradu u qaybisay saxafada u dhigna sidan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde oo inta badan soo saara amaro aan fulin wadan, ayaa. Markale ku celiyay amaro ka dhan ah madaxdhaqamedka cusub waxana qoraal xafiiska warbaahinta wasaradu u qaybisay saxafada u dhigna sidan:

Wasiirka Wasaarada arrimaha Gudaha Somaliland Mudane  Cali Maxamed Waran-cadde Isaga oo  tixraacaya  Wareegtadii  Sumadeedu ahayd WAG/Xw/86/72/2015 kuna  taariikhaysan  11/01/2015  oo  kazoo   baxday   xafiiska wasiirka   Arrima gudaha   ujeedadeeduna ahayd  joojinta  caleemo saarka  cuqaasha iyo salaadiinta  soo  badanaya.

  waxaa uu wasiirka ku wargalinayaa  dhamaanba Badhasaabada Dalka Iyo Taliyaha Ciidamada Boliska  JSl . in la joojiyo  dhamaan caleemo saarka  Salaadiinta  Iyo Cuqaasha Cusub ee aan Ku Iman Dhaxaltooyo.

Sidaas awgeed waxa laydin  farayaa inaad ka ilaalisaan  Gobolada Iyo Degmooyinka aad Madaxda u Tihiin  in lagu  caleemo saaro  Suldaan iyo Caaqil Cusub, isla markaana waxay  wasaaradu  gacanta ku  haysaa  Sharcigii Lagu Mabnuuci Lahaa Madaxdhaqameedka Cusub ee Somaliland.

 

Ugu  Danbayntii   Waxaad  la wada socotaan  Baryahan Danbe  Cadawga Somaliland Waxa uu  isku Dayayaa  Sidii loo kala Qaybin lahaa  bulshada  Somaliland , iyaga oo Doonaya  Inay  Bulshada ka dhex samaystaan  Madax Dhaqameed Madiidaan  u  noqda..



ALLAA   MAHAD   LEH


Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha

Jamaal Cabdi Muxumed