Xukumada Oo Faah Faahiysay Heshiiska Lagu Wareejinayo Dekeda Berbera, Kana Hadlay Lacag La Siiyey Xukuumada Somaliland

0
Tuesday May 10, 2016 - 16:40:54 in by salman abdi
  • Visits: 474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukumada Oo Faah Faahiysay Heshiiska Lagu Wareejinayo Dekeda Berbera, Kana Hadlay Lacag La Siiyey Xukuumada Somaliland

    wasiirka arimaha dibada somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka war bixiyey heshiiskii dhex maray xukuumada somaliland iyo shirkada Dubai Port World. Wasiirka arimaha dibada somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa ayaa waxa uu s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

wasiirka arimaha dibada somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka war bixiyey heshiiskii dhex maray xukuumada somaliland iyo shirkada Dubai Port World. Wasiirka arimaha dibada somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa ayaa waxa uu sheegay in heshiiskaas la hor gayn doono golaha wasiirada isla markaana loo gudbin doono baarlamaanka.


Wasiir Sacad Cali Shire oo ka hadlaya mudada uu heshiiskaasi socon doono iyo faa,iidooyinka laga helayo ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Waxaanu qabnaa in heshiiskaas oo imika qaybtiisii hore aanu soo saxeexnay, qaybtiisa danbe ee weyna marka aanu saxeexno waxa uu mari doonaa golaha wasiirada iyo baarlamaanka waana wax cad oo aan

qarsoodi ahayn ama arin lagu gaadhayo qol madow, waxaanu qabnaa inaanu arinkaasi inoo keeni doono faa,iidooyin badan shaqo badana abuuri doono inagu xidhi doono wadamo badan oo jaarkeena ah, gobolka oo dhana ka faa,iidaysan doono, waana arin inoo soo kordhay somaliland ahaan iyo gobolkaba, mashariicda noocan oo kale ahina way badan yihiin caalamka oo dhan, sanadaha inta badan laysa siiyo ogolaanshuhuna waa isku mid waana 30 sano ilaa 50 sano, dhawrkii shirkadood ee tan ka horeeyey ee inoo yimid mudadii ay qabsadeen ee ay soo jeediyeena waxay ahayd 30 sano ilaa 50 sano ah, shirkadana waa 30 sanadood”

 

Dhinaca kale wasiirka arimaha dibada somaliland waxa uu sheegay inay jirto lacag xaqul qalin ah oo la siiyey xukuumada somaliland waxaanu mar kale yidhi "Way jirtaa lacag xaqul qalin ah, waana 15 million oo dollar, waa 5million oo lagu soo iiban doono maraakiibtan maraakiibta soo xidha iyo 10million oo kaash ah kuwaas oo toos u tagaya wasaarada maaliyada iyo dawlada.”