Xukuumada Somaliya Oo Ka Digtay In La Lunsado Hantida Qaranka Wakhtiga Lagu Jiro Xaalada Kala Guurka

0
Wednesday May 11, 2016 - 17:09:56 in by salman abdi
  • Visits: 731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliya Oo Ka Digtay In La Lunsado Hantida Qaranka Wakhtiga Lagu Jiro Xaalada Kala Guurka

    Raysal wasaare ku xigeenka xukuumada fadaraalka ah ee Somaliya Maxamed Cumar Carte ayaa ka digay in la lunsado hantida somaliya inta lagu jiro wakhtiga kala guurka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal wasaare ku xigeenka xukuumada fadaraalka ah ee Somaliya Maxamed Cumar Carte ayaa ka digay in la lunsado hantida somaliya inta lagu jiro wakhtiga kala guurka ah.


Dabayaaqada sanadkan ayaa lagu wadaa inay dalka somaliya ka dhacdo doorasho lagu soo xulayo baarlamaanka somaliya iyo madaxweynaha sanadada soo socda hogaamin doona.

Raysal wasaare kuRaysal wasaare ku xigeenka somaliya oo ka hadlayey munaasibad ay xilalka kula kala wareegayaan gudoomiyihii hore ee maxkamada sare ee somaliya iyo gudoomiyaha cusub ayaa masuuliyiinta dawlada somaliya uga diray inay musuq maasuqaan hantida dalka mudada lagu guda jiro kala guurka,waxaanu kula dardaarmay inay ilaaliyaan hantida gacmahooda ku jirta.


Raysal Wasaar kuxigeenka somaliya oo arimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi "Masuul kasta oo xukuumada ka tirsan waa inuu ilaaliyaa hantida qaranka ee uu hayo, cid kasta oo xilka kala wareegtana lagu wareejin karo, mana jirto wax kala guur ah oo hantida qaranka saamaynaya, hantida qaranka ayaa leh isaga ayaana loo haynayaa.” Ayuu yidhi Maxamed Cumar Carte.

 

Sidoo kale, RW ku xigeenka Soomaaliya ayaa intaas ku dcaray in hantida ummadda aan sinaba lagu xalaaleysan karin, isla markaana cid walba lala xisaabtami doono, isagoo mas’uuliyiinta dowladda ku borriyay inay hantida ay Qaranka u hayaan ay sii hayaan, lagana fogaado in la lunsado.