Hargaysa:Ganacsato Soo Dhawayay Baladhinta Dakada Berbera

0
Wednesday May 11, 2016 - 22:37:05 in by salman abdi
  • Visits: 976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Ganacsato Soo Dhawayay Baladhinta Dakada Berbera

    Qaar ka mid ah ganacsatadda Somaliland ee badeecadaha kala soo dega waxna ka dhoofiya dekadda magaaladda Berbera ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiska hor-dhaca ah ee lagu balaadhinayo dekadda ee ay wada gaadheen xukuumadda Somaliland iyo shirkadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mid ah ganacsatadda Somaliland ee badeecadaha kala soo dega waxna ka dhoofiya dekadda magaaladda Berbera ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiska hor-dhaca ah ee lagu balaadhinayo dekadda ee ay wada gaadheen xukuumadda Somaliland iyo shirkadda caalamiga ah ee Dubai World.



Ganacsade Cali Ibraahim Ciise, oo ka mid ah ganacsadda waa weyn ee badecadaha kala soo dega kana dhoofiya xoolaha marsada Berbera ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay mid faa’iido weyn u leh ganacsatadda iyo dalkaba, isla markaana ay taasi meesha ka saarayso cidhiidhi badan oo ay ku qabaan dekadda marka ay maraakiib badani ku soo xidhaan.

Waxaanu sheegay in balaadhinta dekadda Berbera ay wax badan ka tari doonto in maraakiib badani ay mar keliya ku soo xidhaan, taasi oo keeni karta in labadda hawlood ee dejinta iyo rarista xoolaha iyo waxyaabaha kale ay is-bar-bar socon karaan.

Ganacsade Cali Ibraahim Ciise, oo ka hadlayay faa’iidadda ganacsato ahaan ugu jirta heshiiskaasi waxa uu yidhi "Heshiiskani anigu waxaan u arkaa heshiis midho-dhal ah, oo ganacsatadda iyo dalkaba faa’iido u leh, maadaama oo dekadii la balaadhinayo, oo dadkii shaqo loo abuurayo, oo ganacsi kale ayaa la soo kordhinayaa, maadaama oo ay dekadu yarayd, oo aanay qaadi karaynin ganacsiga badan ee Itoobiya la gaynayo, laakiin imika marka la dhiso waxay qaadi karaysaa, ganacsiga Itoobiya la gaynayo iyo meelaha kaleba”.

Waxa kale oo uu sheegay ganacsade Cali in ganacsatadda wax ka dhoofiya dekadda Berbera iyo kuwa badeecadaha kala duwan kala degaba ay cidhiidhi badan ku qabaan gaar ahaan marka ay maraakiib badani ku soo xidhaan, hase yeeshee hesbhiiskani ay xukuumadu la gashay shirkadda Dubai World ee lagu baaldhanayo dekadda uu wax badan ka beddeli doono cidhiidhigii ay ku qabeen. "Way jirtaa dhibaato ay ganacsatadu ku qabaan dekadda, waayo dekadu way yar tahay, waxaanay qaadi kartaa maraakiib yar. Marka ay maraakiib badani soo joogsadaan dekadda, saf dheer ayaa loo galaa, cidhiidhi ayay dekadu noqotaa maraakiib badanina way timaadaa.

Xoolaha waa in meel kale loo sameeyaa, dejinta alaaboyinka ayaa la joojiyaa marka xoolaha la rarayo, markaa dhibaato weyn ayaa lagu qabaa. Haddiise la balaadhinayo waxay noqonaysaa, in aan wax la dejinayo la furin, xoolaha la rarayona aan la odhan manta meel la idiinma hayo. Xoolaha waan dhoofiyaa, badeecadahana waan soo dejiyaa, qoladan shiidaalka ka ganacsatana waan ahay”.

Waxa uu tilmaamay ganacsade Cali Ibraahim Ciise, in ay ka ganacsato ahaan soo dhawaynayaan wax dhibaato ahna u arag qodobka ah in marka uu dhamaystirmo heshiiskani in ay dekadda wada maamulayaan shirkadda Dubai World iyo xukuumadda Somaliland. "Anigu uma arko wax dhib ah, haddii la wada maamulayo dekadda, ninka hantidiisa gelinayaa xaq buu u leeyahay in uu ila maamulo, oo sidii wax ku hagaagayaan ayaa la yeelayaa. Waxaan is-leeyahay, markii hore ganacsiga Itoobiya may qaadi karayn dekadu oo waa intii la dhisay xiligii dawladii Siyaad Barre ayay ahayd, maanta marka la balaadhiyo, Itoobiya iyo Soomaaliya, meel walba wax baa looga soo dejin karaa, oo dekad weyn oo caalamka ku xidhanta ayay noqonaysaa.

Dadka reer Berbera-na shaqo ayaa uga kordhaysa, ganacsatadana waxaa uga kordhayaa inay badeecado badan soo kordhiyaan oo intan imika boqol laabkeed ayaa imanaysa” ayuu yidhi Cali Ibraahim Ciise oo shalay u waramayay BBC-da.