Guddida Daba-galka Hantida Qaranka Golaha Wakiillada oo Xog-waraystay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa -

0
Wednesday May 11, 2016 - 22:43:31 in by salman abdi
  • Visits: 618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Daba-galka Hantida Qaranka Golaha Wakiillada oo Xog-waraystay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa -

    Guddida Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa 11/May/2016 kulan xog-waraysi ah la yeeshay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa 11/May/2016 kulan xog-waraysi ah la yeeshay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis.


Kulankan Guddida Dabagalka Hantida Qaranka la yeesheen Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis uu ku wehelinayo Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta Wakaaladda Maxamuud Xaaji Xirsi, ayaa mudanayaashu wax kaga waydiiyeen Maareeyaha hawlaha shaqo ee mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa ee qorshahooda mustaqbalka.

Maareeye Ibraahim, waxa uu kulankaas ugu bandhigay xildhibaannada hawlaha shaqo ee ka Wakaalad ahaan kaga masuul yihiin mashaariicda waqtigan socda ee biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa oo ay maalgeliyaan Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) iyo Midowga Yurub (EU).

Kulankaasi warbaahinta loo oggolayn inay goob-joog ka ahaato, balse laga qaaday sawirro, waxa uu xaqiijiyey Maareeye Ibraahim Siyaad inuu xog-warreysigani ku koobnaa sida uu u socda mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda iyo goorta biyo bulshada haqab-tira ay helayaan dadweynaha Reer Hargeysa.

Kulankan oo Guddida Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada kaga xog-waraysteen mashaariicda biyaha ee Wakaaladda biyuhu wado iyo guud ahaan xaaladda biyaha ee caasimadda, waxa uu halkaasi ku siiyey warbixin dhammaystiran oo ku saabsan hawlaha shaqo ee Wakaaladdu hayso, iyadoo aan isla goobtaa kaga jawaabay su'aalo xildhibaannadu kaga waydiiyeen.”

Kulankan ayaa ah kii labaad ee muddo ka yar toddobaad uu Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa xog-warran siiyo isla Guddida Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana tusay sida ay u socdaan hawlaha mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda Hargeysa, isaga oo hore u siiyey xog-warran iyo warbixinno.