DIGNIIN CULUS KU SOCOTA NIMANKA MAGACA KULMIYE ISKA WATA EE WADANKA FINLAND

0
Friday May 23, 2014 - 19:03:33 in by Super Admin
  • Visits: 1309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DIGNIIN CULUS KU SOCOTA NIMANKA MAGACA KULMIYE ISKA WATA EE WADANKA FINLAND

    Anigu ah Godomiyaha Garabka Haweenka ee Ucid Finland Marwo Samia Sh Omar H. Muse waxaan halkan uga digaya Nimanka qayrul masuulka ah ee magaca Xisbiga Kulmiye meel kaga dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anigu ah Godomiyaha Garabka Haweenka ee Ucid Finland Marwo Samia Sh Omar H. Muse waxaan halkan uga digaya Nimanka qayrul masuulka ah ee magaca Xisbiga Kulmiye meel kaga dhacay

waxaan idini leeyahay Guryihiina oo quraarad ka samaysan ayaad dhagaxyada tuuraysan iyo waliba dadkan kale ee daaha hoostiisa ka hadlaya rag iyo dumarba leh


Horta maanta waxaa ayaan darro ah Niman noloshoodi gabay tii adoon iyo aakhiraba oo waliba maanta wadanka Finland dhibaato ay ku haysato oo waliba ayaga o ubaahan gargaar inay aniga oo ah haween iyo waliba Marwo sharaf leh ah inaay Somaliland24.com ay wax aflagaado ah ku soo qoraan. Anigu wadanka Finland markaad fadhi ku dirirka ahaydeen laba degree oo her Jaamacada ah ayaan ka soo baxay Alxamdulilaah , akhlaaq iyo sharaf iyo Asluubna waan ku dhashay waanan ku tarmay , maantana Sharaf iyo Sumacad ayaan ku ahay Godomiyaha Garabka Haweenka ee Ucid Finland , Aabahayna waxa oo ahaa Haldoorki Somaliland, Somalia , Kuwait iyo Khaliijkaba Hadii Oo Morgan ka saaray Kuwait 02.08.1990 wuxu ahaa Muadin shaqadiisi Gudanaya ( Sheekhi Jaliyada Somalida ee Kuwait Mudane Sheekh Omar Hagi Muse Allaah Yerxamu)( The Head Of Somali Association in Kuwait).


Ceebtiin maaha ee waa caadadiin inaad Ucid markaad maqashaan aad marna dumarkoodi caydaan marna aad Dad ahlu Janna ah oo mar hore dhintay aad caydaan. Waxaan U sheegaya nimanka Somaliland24.com wax ku soo qoray horta aniga waxba imaydun yeelin laakin wixi la idin ku sheegi jiray 20 sano ka hor oon baa ii cadaatay . waa ayaan darro wallaahi ???!!!!

Aabahay Sheekh Omar H. Muse waxa oo aha muwaadin Somalilander ah waana kii ciqaamadaha iyo viisaha aad ku joogteen Kuwait idiin samyen jiray oo waliba Jeelasha Kuwait idin ka kafaalad qaadi jiray ee maanta waa ayaan darro in Xirsi labarbar dhigo aabahay Allaah ha U naxariistee , Mudane Madaxweene Silaanyo dawlada Somalia ayuu ka shaqayen jiray Aabahayna Sheekh al Somaal ayoo ahaa oo sidii oo Mudane Silaanyo Kuwait u oga hortagi jiray marko Somalia ka shaqayen jiray ayoo Morgana oga hor tagay , waana waajib saarna markaas , laakin Aabahay qof Muumin ah oo Somaliyo dhan , Somaliland oo dhan iyo Carabo dhani oo duceen jirtay oo waliba marko dhintay wali ka samri la'a yiheen wax qabadkiisi iyo kartidiisii ee xishooda oo qofka dhintaa xurmad ayoo leeyahay .


Anigu Xisbiga Ucid baan ahay sidaad Kulmiye oo sheeganaysaan waanan ku faraxsanahay waanan ku raja waynahay ee haddi aad ka baqanaysaan in guusha la idin ka helo maaha inaad Walidiinti dhintay, Dumarki iyo waliba ragga sharafta leh aad aflagaadeesaan, Kulmiye waa xisbi qaran oo sharaf leh ee ceebta iyo facsharka ka daaya ,


Waxaan halkan waliba oga Digaya Nimanka ku qaraabanaya Kulmiye inay Faraha kala baxdaan Xisbiga Ucid ee Finland oo aad kiina ku eekaataan waayo xaafadi waxay xaafad ogu tagtaa waa xasarad , Xafaldi 16 May waxay ahayed mid aanay Ucid shaqa ku lahayen waayo meel aan kula heshiinay Kulmiye anigu ah Godomiyaha Garabka Haweenka ee Ucid Finland maan arag manay jirin laakin waxay ahayed Shirqool ay Nimanka Kulmiye ku qaraabanaya ku wadeen Xisbiga Ucid Ee Finland. Xafaldi 18 May waxaa qaban qaabadeeda lahaa Jaliyada Somaliland ee Finland markaana waxa ka qayeb galay si wada jir ah Ucid Wadani iyo Kulmiye laakin xafladi 16 May ee lagu magacaabay Ucid iyo Kulmiye waxay ahayed shirqoolkii Nimanki ku Qaraabanay Kulmiye Finland .




Godoomiyaha Garabka Haweenka ee Finland

Marwo Samia Omar Hagi Muse.

FINLAND