Bangiga Aduunka oo sheegay inuu wax ka qaban doono Cudurada Faafa

0
Sunday May 22, 2016 - 08:58:26 in by salman abdi
  • Visits: 1151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bangiga Aduunka oo sheegay inuu wax ka qaban doono Cudurada Faafa

    Baanka Adduunka ama World Bank ayaa wuxuu ballan qaaday lacago uu u qoondeeyay in wax looga qabto cudurada faafa oo adduunka oo dhan sidii wax looga qaban lahaa loo caal waayay. Baanka Caalamka ayaa ku dhawaaqay in la tacaalida cuduradaa faafa (oo a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baanka Adduunka ama World Bank ayaa wuxuu ballan qaaday lacago uu u qoondeeyay in wax looga qabto cudurada faafa oo adduunka oo dhan sidii wax looga qaban lahaa loo caal waayay. Baanka Caalamka ayaa ku dhawaaqay in la tacaalida cuduradaa faafa (oo afka qalaad loo yaqaanocommunicable diseases) loo meel dhigay mashruuc dhaqaale oo dagdag ah oo ku kacaya adduun lacageed oo dhan 5 boqol oo milyan oo doolarka Maraykanka ah.


Lacagahaas ama mashruucaas ayaa waxaa lala damacsan yahay in si gagdag ah wax looga qabto fiditaanka cuduradaasi faafa ayadoo weliba la kaashanaayo hayada caafimaadka caalamka ee WHO.

Madaxweynaha WHOJim Yong Kim yaa sheegay in mashruucaas wax looga qaban doono sidii loo dardar galin lahaa wax ka qabashada cudurada faafa caalamka oo idil gaar ahaan dalalka Afrika iyo Asia iyo weliba Latin Ameerika.

Lacagtaas ayaa waxaa loogu deeqi doonaa dalalka kuyaala dunida saddexaad ee soo koraya wadamadaas oo cudurada faafa ee communicable diseases-ku ku badan yihiin marka loo eego wadamada horu maray.

Waxaa lacagtaas lasoo marsiin doonaa dawladaha dalalkaa iyo heyadaha caalamiga ah. Cuduradaas ayaa waxaa kamid Ebola oo dhawaan dad badan ku laayay Afrikada Galbeed.