Waa Maansadii SOCDAAL iyo Abwaan Ibrahin Xamari

0
Sunday February 16, 2014 - 19:57:03 in by Super Admin
  • Visits: 3560
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Waa Maansadii SOCDAAL iyo Abwaan Ibrahin Xamari

    Hadii umadii socdaashay Aduun kii wada siqaayo Samada loo wada carceeray Mariikh iyo suxal la gaadhay Adigu iska seexo maaha Sariirta ku jiifso maaha Aduunka ka saahid maaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadii umadii socdaashay Aduun kii wada siqaayo Samada loo wada carceeray Mariikh iyo suxal la gaadhay Adigu iska seexo maaha Sariirta ku jiifso maaha Aduunka ka saahid maaha

SOCDAAL

 

Maansadan la magac baxday socdaal abwaanku waxa uu curiyayay taariikhdu markay ahayd 16/8/2014.

 

Waxa uu abwaanku maansadan ka mariyay hoolka shaqaalaha dawladda ee magaalada hargaysa halkaas oo uu abwaanku ku soo bandhigay maansadan la magac baxday socdaal.

 

Abwaanku waxa uu maansadan kaga hadlayaa oo uu ku tilmaamayaa socdaalka nolosha iyo aduunka oo dhan iyo sidii loola jaanqaadi lahaa.

 


Hadaan saaka iyo caawa

Socdaalka aduunka eego

Hadaan sadar qudha ka sheego

Hadana suugaan ka yeelo

Anoo kala saari doona

Xumaantiisiyo samaanta

Siduu yahay aan tilmaamo

 

Socdaalkaa kala haboone

Midbaa saxan oo wanaagsan

Midbaa sakal iyo qalooc leh

Midbaa ka sirgacan horaanta

Gadaashana laga saluugin

Midbaa surmi iyo harraad leh

Midbaa sahan li’i ku guura

 

Socdaalka aduunku heedhe

Siduu doonuu noqdaaye

Hadii umadii socdaashay

Aduun kii wada siqaayo

Samada loo wada carceeray

Mariikh iyo suxal la gaadhay

Adigu iska seexo maaha

Sariirta ku jiifso maaha

Aduunka ka saahid maaha

 

Siduu nabigeenu sheegay

Aduun yadu waa sodcdaale

Adoo aakhiro sugaaya

U saad qaatoo diyaara

Socdaalkeedina u jeeda

Aduunkana sii wad weeye

 

 

Hadii cilmigaa sareeya

Aqoontiyo seedeheeda

Xisaabtiyo sayniskeeda

Safdheer loo wada galaayo

Adigu iska saaqid maaha

Ka seeg seeg oo hadh maaha

Salaanka ka soo dhac maaha

 

Si aad khayrkaa u dhaafto

Si aad saamayn keento

Adoo saad buuxa qaatay

Adoo sahaydii diyaarshay

Aduun yadu waa socdaale

La raac safar kooda weeye

 

Hadii sahaloow aduunka

Subxaanku wuxuu nasiiyay

Wakhtigu ugu wada sareeyo

Adigu iska saydhi maaha

Ka saar noloshaada maaha

Sabaanka illaawa maaha

 

Sidii odayadan habawsan

Ilaa subaxiyo sagaalka

Maqaaxi ku saamalayla

Halkaa ku sakhraama maaha

 

Hadii saacadi ku dhaafto

Adoon ku sallaynin meelna

Siday kugu dhaaftay taasi

Su’aal nafsaddaada weeye

 

Qabiilka allaa sameeyay

Ilaahbaa nagu sifeeyay

Haday saa tahay amuurtu

 

Dadkaa kula siman dhamaanba

Adigu kala sooco maaha

Qabyaalad sameena maaha

Badhkood saluugna maaha

 

Si aad dadka ugu dhaxayso

Si aad saamayn u keento

Sinnaantana aad u dhawrto

Subxaankuna wuu arkaaye

Cadaalad sameeya weeye

 

Hadaan wadankeena saaka

Siduu yahay aan jaleeco

Dadkoo surinkii ka baydhay

Markii subaxii la gaadho

Intoo sali wayn la qaato

Halkaa saldhig laga samaysto

Murqaan lagu wada sugaayo

 

Hadii saaxiibadaadi

Suntaa qaadka ah ku waashay

Halkaa saldhig looga yeelay

Adigu iska soo gal maaha

Sidooda la daaqna maaha

Murqaanka la suuxa maaha

Waxaan jirin soo dhis maaha

 

Si aad saaxiibadaada

Suntaa qaadka uga reebto

Si aad saamayn u keento

Dalkeenana uga safayso

Murqaanka samaha la mooday

Inaad ku saluugto weeye

 

Adoo sarif iyo aduunle

Adoo sarac beeranaaya

Adoo suuqii dhex jooga

Adoo sayidoo dadaalay

Inuu saaqii tahriibku

Hankaa ku sulaaqmo maaha

Naftaadiyo sawracaaga

Inuu saameeyo maaha

Inaad saxaraha dushiisa

Ku soo silicdaana maaha

 

Si aad sanqadhaa baxaysa

Dhegtaadaa uga safayso

Si aad saamayn u keento

Intaad noloshaada seesto

Naftaadana samirtidhaahdo

Dariiq u samayso weeye

 

Socdaalkii ugu horeeyay

Intaan loo sahay diyaarsan

Marbaa sahaloow ugaadha

Sidii diibkiyo libaaxa

Ilkaha lagu saafay jiidhka

Sakiintiyo seefta maanta

Markaa sacab laguma haynin

 

Hadana waa laga socdaalay

Marbaa waramada safaysan

Dagaal lagu qaaday seefo

Hadana suug iyo diyaarad

Markaa sacab laguma haynin

 

Hadana waa laga socdaalay

Socdaalku siduu u jeeday

Sidii safar loogu joogay

Hadana samadaa la gaadhay

Waxaa saldhig laga diyaarshay

Dayaxa seeraha ku yaala

 

Waxaa nukliyeer samaystay

Socdaalka aduun yadeenna

Kuwii ugu wada sareeyay

 

Safkaasi wuxuu ku gaadhay

Sarkaalnimadaa horraysa

Aqoonta la saaray xooga

 

Aduunyadu waa sidaase

Inaga soomalideena

Maxaa soocee ka reebay

 

Sidii aan wada ogaynba

Dalkiyo midawgaan samaynay

Samada calankii la mooday

Dadkuba sacabka u tumaayay

Markii saldhigii la waayay

Markii suuq kale la geeyay

Markii sees kiisi liicay

Markay surinkii ka baydhay

Markay suyucday xumaatay

Markii lays wada saluugay

 

Aduun yadu waa socdaale

Miyaynaan kaba socdaalin

Miyaan soomaalilaantan

Togdheer lagu seesin maalin

 

Anoo sii daba galaaya

Su’aashana raacinaaya

Waxaan idin wada su’aalay

Aduun yadu waa socdaale

Socdaalkiyo geedigeenu

Halkee buu ina dul saari?!!!

 

Ma meel soor iyo aduun leh

Ma meel siigo iyo boodh leh

Ma meel same iyo wanaag leh

Ma meel sicil iyo dagaal leh

Samaanta la waayi doono

Ma meel sare oo wanaagsan

Aduunkuna nala sinnaado

Su’aal weeyaan haboone

Jawaabta saxa ah u raadsha