Muqdisho:Madaafiic Xalay Lagu Weeraray Xerada Xalane Ee Taliska AMISOM Ee Magaalada Muqdisho.

0
Sunday June 05, 2016 - 10:09:21 in by salman abdi
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:Madaafiic Xalay Lagu Weeraray Xerada Xalane Ee Taliska AMISOM Ee Magaalada Muqdisho.

    Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya madaafiic xalay fiidkii ku dhacay qeybo ka mid ah degmada Wadajir, iyadoo qaar ka mid ah madaafiicda ay gudaha ugu dhaceen Xerada Xalane.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya madaafiic xalay fiidkii ku dhacay qeybo ka mid ah degmada Wadajir, iyadoo qaar ka mid ah madaafiicda ay gudaha ugu dhaceen Xerada Xalane.


Madaafiicda ayaa qal qal geliyay dadka deegaanka Wadajir, inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah.

Dada deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen daryanka madaafiicda, isla markaana illaa saddex hoobiye ay soo dhaceen oo gudaha ugu dhacay Xerada Xalane.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah kooxihii madaafiicda ku soo tuuray degmada Wadajir, sida ay sheegtay Wakaalada Wararka ee SONNA.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Xalane ayaa beeniyay in madaafiicda ay ku dhaceen Xalane, waxaa uu xusay in madaafiicda ay ku dhaceen meel kaawo ah oo aan wax khasaare ah geysan.

Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay in aanay jirin wax madaafiic ah oo ku soo dhacay Xalane, balse madaafiicda ay ku dhaceen meel ku dhow xerada.

Al-Shabaab ayaa qoraalo baraha Internet-ka soo dhigtay waxay ku sheegtay in illaa shan madfac ku weerartay Xarunta Xalane.

Xarunta Xalane oo ah goob ammaankeeda aad loo ilaaliyo, kuna taal xeyndaabka garoonka diyaaradaha ayaa waxaa uu Talis u yahay howl galka AMISOM, sidoo kale waxaa ku yaala qaar ka mid ah Safaaradaha reer galbeedka iyo Xafiiska Qaramada Midoobey.