Ganacsade Cabasho Ballaadhan Ka Muujiyey Badeecad Uu Dalka Debadiisa Ka Soo Dhofsaday Oo Maalintii Shanaad Ku Xaniban Madaarka Hargeysa

0
Monday June 06, 2016 - 10:35:17 in by salman abdi
  • Visits: 501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsade Cabasho Ballaadhan Ka Muujiyey Badeecad Uu Dalka Debadiisa Ka Soo Dhofsaday Oo Maalintii Shanaad Ku Xaniban Madaarka Hargeysa

    Ganacansade Yusuf Maxamuud oo kamid ah ganacsadatada hadda madax la soo kacaysa ee reer somaliland ayaa cabasho xoogan ka muujiyey maamulka kastamka madaarka Hargeysa,kadib markii sida u sheegay ay allaab uu dalka debadiisa ka soo dhoofsaday ku xanib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacansade Yusuf Maxamuud oo kamid ah ganacsadatada hadda madax la soo kacaysa ee reer somaliland ayaa cabasho xoogan ka muujiyey maamulka kastamka madaarka Hargeysa,kadib markii sida u sheegay ay allaab uu dalka debadiisa ka soo dhoofsaday ku xanibeen madaarka Hargeysa,waxaanu sheegay in aanu garanay ilaa hadda waxay u xanibantahay badeecadiisu,madaama badeecadii lamid ka ahaa ee ganacsatada kale wadatay ay suuqa gashay,balse tiisi ay maalintii shanaad ku xanibanatahay madaarka Magaalada Hargeysa,isagoo sheegay in cida haysataa allaabtiisa ee ku dhegani ay tahay masuuliyiinta kastamka madaarka oo uu sheegay in ay baad ka doonayaan,lakiin'se uu diyaar u yahay bixinta cashuurta sharciga ah oo keliya inuu bixiyo.

 

Geeta kalene Ganacsade Yusuf Maxamuud ayaa fariin u diray masuuliyiinta musuq-maasuqa, eexda iyo qabyaalada ka fayow ee wasaarada Maaliyada,waxaanu ugu baaqay in ay eegaan cadaalada darrada eexda, musuq-maasuqa iyo nin jeclaysiga ka taagan kastamka madaarka Hargeysa.


Ganacsade Yusuf Maxamuud ayaa sheegay in ay maanta yimaad madaarka Hargeysamasuuliyiinta ka saraysa maamulka kastamka madaarka,hase-yeeshee aanay waxbaka qaban cabashidii muwaadinka.