"Cuqaasha Iyo Garaadada Waxaan Ugu Baaqayaa In Deg-deg Loo Joojiyo Colaadda Sokeeye, Caqliga Wanaagsanina Taliyo" Madaxwayne Siilaanyo

0
Monday June 06, 2016 - 13:47:24 in by salman abdi
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Cuqaasha Iyo Garaadada Waxaan Ugu Baaqayaa In Deg-deg Loo Joojiyo Colaadda Sokeeye, Caqliga Wanaagsanina Taliyo" Madaxwayne Siilaanyo

    Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay colaadda ka taagan deegaanka dharkayn geeye oo ka tirsan Gobolka Sool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay colaadda ka taagan deegaanka dharkayn geeye oo ka tirsan Gobolka Sool.

Madaxwaynah Somaliland oo baaq nabadeed ayaa baaq nabadeed oo colaadaasi ku saabsan u diray labadan beelood waxaana uu ugu baaqay inay si dhakhso ah colaadda u joojiyaan, waxaana ka mid ahaa hadalkii Madaxwaynaha:

"Waxa  halkan baaq uga dirayaa shacbiga gobolka Sool, gaar ahaan labada Ardaa ee walaalaha ah ee mashaqadu ka dhex dhacday, taas oo keentay khasaare baaxad leh oo naf iyo maalba leh oo qarankeenana dhaawac ku ah. Waxaanan ugu baaqayaa in degdeg loo joojiyo colaadda sokeeye, caqliga wanaagsanna taliyo. Waxaan ugu baaqayaa Garaadada, Cuqaasha, waxgaradka iyo culimada, inay u gurmadaan, isla markaana dhakhso loo soo afjaro dhiiga walaalaha ee qubanaya.

Ka xukuumad ahaana waxa naga go’an in aanan waxba kala hadhin sidii ay u istaagi lahayd colaaddu, waxaana muhiima in la karaameeyo oo la xurmeeyo bisha barakaysan ee Ramadaan”

dirirtan u dhaxaysa labada beelood ee walaalaha ah ayaa waxa ay ka kacday muran dhinaca magta oo soo kala dhexgalay labada beelood waxaana sida ay wararku sheegayaan dagaalkaasi markii dambe u wareegay dhinaca deegaanka dhumay oo ku dhaw halka ay colaaddu ka bilaabantay ee Dharkayn Geeyo.