Istanbul:11 Qof Oo Ku Geeriyooday Qarax Ka Dhacay Badhtamaha Magaalada Istanbul.

0
Tuesday June 07, 2016 - 16:08:32 in by salman abdi
  • Visits: 738
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Istanbul:11 Qof Oo Ku Geeriyooday Qarax Ka Dhacay Badhtamaha Magaalada Istanbul.

    Qarax baabuur oo lagu weeraray gaadhi bas ay booliska Turkiga lahaayeen ayaa waxaa ku dhintay 11 ruux badhtamaha magaalada Istanbul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax baabuur oo lagu weeraray gaadhi bas ay booliska Turkiga lahaayeen ayaa waxaa ku dhintay 11 ruux badhtamaha magaalada Istanbul.



Qaraxa ayaa ahaa gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo la dhigay wado dhinaceeda, iyadoo la qarxiyay, xilli uu gaariga baska uu dhinac marayay.

Halka uu qaraxa ka dhacay ayaa aheyd goob mashquul ah oo ku dhow goobaha taariikhiga ah ee ay ku badan yihiin dadka dalxiisayaasha ah

Ma jirto illaa iyo hada cid sheegatay qaraxa, dadka dhintay ayaa waxay isugu jireen todobo boolis ah iyo afar rayid ah, halka 36 kalena ku dhaawacmeen

Sawiro la soo bandhigay ayaa muujinayay bur burka baabuurkii qaraxa lala eegtay iyo kuwa kale oo wadada yaala.

Qaraxyo muddooyinkii u dambeeyay ka dhacay magaalooyinka Turkiga, sida Istanbul iyo Ankara ayaa waxaa mas’uuliyada weeraradaas sheegtay Kooxda IS iyo kooxaha Kurdiyiinta.