Guddoomiyihii Ururka Haweenka Ee Gobolka Mudug Oo Xalay lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

0
Thursday June 09, 2016 - 12:48:26 in by Burco Office
  • Visits: 654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii Ururka Haweenka Ee Gobolka Mudug Oo Xalay lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

    Kooxo hubeysan, ayaa Xalay Maqribkii Gaalkacyo ku dilay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Puntland ee Gobolka Mudug, Marxuumad Dhudi Yuusuf, waxaana dilkeedu uu ka dhacay meel ku dhaw gurigeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubeysan, ayaa Xalay Maqribkii Gaalkacyo ku dilay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Puntland ee Gobolka Mudug, Marxuumad Dhudi Yuusuf, waxaana dilkeedu uu ka dhacay meel ku dhaw gurigeeda.


Dableyda dilka Haweeneydan geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana Dhudi la toogtay xilli ay doonaysay inay gasho gurigeeda oo ku yaalla Xaafada Is-raaca oo ku taalla dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

Goobta uu dilku ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidan ka tirsan kuwa Puntland oo billaabay baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihi dilka Haweeneydan geystay oo aan la garanayn cid ay ka tirsan yihiin.

Ugu dambeyn, Marxuumad Dhudiayaa waxay ka mid ahayd Haweenka sida gaarka ah ugu ololeeya amniga, xasilloonida iyo horumarka Haweenka Puntland, mana jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilkeeda.