Tartan Kubadeed lagu Maamuusayo Bisha Ramadaan oo ka furmay Magaalada Garoowe

0
Thursday June 09, 2016 - 13:02:52 in by Burco Office
  • Visits: 915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartan Kubadeed lagu Maamuusayo Bisha Ramadaan oo ka furmay Magaalada Garoowe

    Garoonka Kubada Cagta ee Classic Stadium ee Garoowe, ayaa Waxaa Xalay ka furmay tartan ay ka qayb-galayaan, kooxaha heerka koowaad , kuwa heerka iyo dhallinyarada cuslaatay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoonka Kubada Cagta ee Classic Stadium ee Garoowe, ayaa Waxaa Xalay ka furmay tartan ay ka qayb-galayaan, kooxaha heerka koowaad , kuwa heerka iyo dhallinyarada cuslaatay.


 

Furitaanka Tartankan waxaa ka Qayb-galay, Maamulka Gobalka Nugaal iyo kan Degmada Garoowe, waxaana Goob-joog ka ahaa wasiir ku xigeenka Maaliyada Puntland, Macallinka Kooxda Qaranka Somalia iyo Khuburo Isboorti.

Sidoo kale milkiilaha Classic Stadium & Fitness Center, Axmed Jaamac Jowl oo furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in Koobkan uu yahay is-dhex-galka Dhallinyaradda Soomaaliyeed.

Tababaraha xulka Kubada Cagta Somalia, Maxamed C/lle Fara-yare ayaa isagana sheegay in koobkan uu ka dhex-fiirsan doono ciyaartoy meteli kara xulka Qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobalka Nugaal, Cumer C/llaahi Fara-weyne ooisna furitaanka Tartankan ka hadlay ayaa sheegay in Dhallinyaradu lacagta ay ku Tahriibayaan ay dalkooda dib ugu celin karaan, waxna kasoo saari karaan iyagoo jooga dalkooda Hooyo.

Ugu dambeyn, Wasiirka ku xigeenka Maaliyada PL Axmed Yaasin ayaa isna dhallinyarada Cayaaraysa ku boorriyay inay ka shaqeeyaan sidii Cayaaraha Kubadda Cagta Soomaaliya ay ku horumari lahayd, Wuxuuna Milkiilaha Garoonka Axmed Jowle uga Mahad-celiyay dhiirri-gelinta Kubadda Caagta ee dhallinyarada Soomaaliyeed.