Xildhiban ka tirsan Golaha Degaanka Burco oo Madaxda Cisbitalka Hargeysa ku Eedeyey Wiil 4 Bilood komo ku jira oo Xaaladdiisa Caafimaad khatar ku jirto Farriina u DIray Wasirka Cafimadka

0
Friday June 10, 2016 - 14:07:41 in by salman abdi
  • Visits: 658
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhiban ka tirsan Golaha Degaanka Burco oo Madaxda Cisbitalka Hargeysa ku Eedeyey Wiil 4 Bilood komo ku jira oo Xaaladdiisa Caafimaad khatar ku jirto Farriina u DIray Wasirka Cafimadka

    Xildhibaan Cabdilaki Oo Ka Tirsan Mudanayaasha Golaha Degaanka Burco Ayaa Ka Hadley Xaalada Wiil Yar Oo Lagu Magacaabo Sacad Maxamed Cali Oo Muddo Afar Bilood Ah Koomo Ku Jira

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Cabdilaki Oo Ka Tirsan Mudanayaasha Golaha Degaanka Burco Ayaa Ka Hadley Xaalada Wiil Yar Oo Lagu Magacaabo Sacad Maxamed Cali Oo Muddo Afar Bilood Ah Koomo Ku Jira
Xildhibaan Laki Waxaa Uu Masuuliyada Wiilkan Dusha Usaarey Waasarada Caafimaadka, Isagoo Baaq Udirey Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleeban Ciise Axmed Xaglo-toosiye

 

 
Xildhibaan Laki Oo Qoraal Uu Kaga Hadlaayo Dhacdada Wiilkan Yar Soo Gaadhsiiyay Shebekedda Wararka AFKASHACABKA Ayaa Udhignaa Sidan:-
Anniga oo ah Xildhibaan Cabdilaki Xasan Nuur, ka soo baxay Gollaha Deggaan Burco, waxaan si wacan u ogahay xaalllada caafimaad ee Sacad Maxamed Cali Kildhi, Illaahay waxaan uga baryayaa caafimaad iyo in uu dhakhso u bogsado.
Sacad wuxuu ka jabay gacan, waxaa loo sheegay aabihii in gacanta inankiisa ee uu baahan tahay in bir la geliyo, waayo waa halkaa suxulka halka uu ka jabay Sacad Yare. Waxaa kaloo qoyska loo sheegay in Dr, khibrad leh oo Yurubiyan ah, muddo joogay Cusbitaalka guud oo qaliino ka sameeyo, kana hawlgalo Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, sidaas awgeed, ayuu u qaaday wiilkiisa in dhakhtarkaa wacan ee daryeelka wacan fidinaya ee la sheegay, illaahay ugu guuleeyo qaliinka wiilkiisa.

 
Nasiib daro, Sacad markii la geeyey qolkii qalliinka waxaa la soo celiyey isaga oo dhaawacyana ka muuqdaan, sidoo kale ku jira komma. Waxaana loo sheegay reerka in inanka ay haysay infection oo intii dhiigagu aanay soo noqon si qaldan irbadii suuxisada loogu muday, arrinkaaas na dhawaan ay u helayaan xal, sidaas awgeed lagu bilaabay dawooyinka anti-biotic loo yaqaan, kuwaas oo qudhoodu keenina kara dhaawac kale, muddo bil iyo badh ah ayaa lagu waday dawooyin noocaas ah.

Sidoo kale Dr Askar oo ah aggaasimaha guud ee Cusbitaalka, wuxuu sheegay " In qaladku xaggayaga ka yimi.” ayuu aggaasimuhu u sheegay reerka sida ay ii sheegeen qoyska. Maalmo ka dib ayaa dhawr odayaal ah, dhakhaatiir la socday qoyska, cuqaal wax garad kale ay balan ka samaysteen Agaasimaha guud, wuxuu markaana u sheegay war kii ka duwan, wuxuu yidhi " Ogygen ayaanu kala daahnay markii la suuxiyey wiilka, annaga ayaana qaladka leh.” Labadaas jeer ba qaladka aggaasimaha ayaa qirtay.

Qoysku kama hadhayo dacwada wiilkooda, waanuna ku garab taaganahay in xaqqa wiilkooda yar aanay ka hadhin, waxaanuna ku baaqaynaa in Wasaarada Caafimaadka Somaliland, si qoto dheer u eegto dhacdadan murugada badan. Mar labaad waxaan u docaynayaa sacad Maxamed Cali Kildhi" Ayuu Hadalkiisa Kusoo Xidhey Xildhibaan Cabdilaki.