Xusuustii Xildhiban Mubarik Yusuf Bidhi Iyo 27 May Burco Sanadguuradii 26aad

0
Tuesday May 27, 2014 - 08:16:00 in by Super Admin
  • Visits: 1220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xusuustii Xildhiban Mubarik Yusuf Bidhi Iyo 27 May Burco Sanadguuradii 26aad

    Waxaan u Ducaynaynaa Dhamaan Mujaahidiintii ku shahiiday halgankii qiimaha lahaa ee dalkan lagu xoreyeey SNM. 27/31 MAY 1988 IYO DHamaan wadanka oo dhan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan u Ducaynaynaa Dhamaan Mujaahidiintii ku shahiiday halgankii qiimaha lahaa ee dalkan lagu xoreyeey SNM. 27/31 MAY 1988 IYO DHamaan wadanka oo dhan

 

 

Gobanimada Somaliland waxa lagu waraabiyey dhiig ,waxaa u lee,day Geesiyaal, Waxaa u ogoomoobay Ubad badan.

waxaa ay 27May ku xardhantahaykuna Suntan tahay Taariikhda Somaliland, Iyadoo Geesiyaashii SNM oo ay tageerayaan dadweyanaha Burco ayey afka ciida u dareen nidaamkii cadaadiska iyo cabudhinta ku hayey shacaybka ,Cutubyo ka mida mujaahidiinta SNM ayaa ku waabariisteen guud Magaalada Burco.

Anigoo ahaa Xildhibaan Mubaarik Yuusuf(Bidhi)waxaan ahaa Mujaahidiintii ku biiray maalintaas jimcaha halgankaSnm markaa iyadoo ay ka soo wareegtay sanadguuradii 26aad maanta 27May1988- 27May2014 ayaan jeclaystay inaan idiin soo bandhigo Taarikhdii aan goobjooga ka ahaaAnigo marka hurdada ka toosay ayaan waxan maqlay xabad meel fog ka dhacaysawaxay xabadi socotaba way soo dhawaataydibada ayan u soobaxay waxan dibada iyagoo taagan ugu imi Abahay alle hawnaxriiste(Marxuun Yuusuf Cilmi) ku shahidayBurco marki lagu jiray oo gacantayda ku asasay isaga mujaahid kale xaruunti gooncad burco an ku asay hog anu qodnay abahay iyo muhaahidki kale laba sacadood ka dibna Burco Faqaashti naga qabsatay .dabadedna anu ka baxnayiyo Mujaahid Cabdi Yusuf Cilmi oo ah walaalkayga iga wayn oo hada jooga Norway oo ahaa Mujaahidiin SNM u joogay ee qarxin jiray minooyinka magaalada lagu qarxiiyo goobaha faqashta degan tahay. isagoo ku jeeniqaaran Qorigii Nuur Madoobaha la odhan jirey waxaa markaa markiiba na soo galay Ciidankii SNM oo lugaynaya oo aan garanayo Qaar badan oo iskuul ahayn ka mid ahaa dhalinyardi 87 ku biray SNM ahaa iyagoo ku dhawaaqayey Kalmada Allaahu Akbar ee ay can ku ahayeen Mujaahidiinta SNM , dabadeed halkaas ayaan kala bilaabay waxay galeen saldhiga Burco oo aan naga fogeyn halkaas oo markiiba ay jebiyeen Store kii Hubka anigoo isla markiiba fulayBirtii calanku saarnaadhulkana soo dhigay calankiifaqashta ka dibna saaray Calnakii SNM ee Tawxiidka lahaa lana mid ahaa Calanka Somaliland iminka iyadoo halkaas dhaawac iga soo gaadhay fuulitaankii birta aan calanka SNM saaray.

 

Waxan ka mid noqday Cidanki Boliska laga sameeyayBurco ,Hadaba iyadoo ay badnayd Maalintaa Qiimaha lahayd 27May iyo 31 MayXusuusteedaoo maanta Sanadguuradeedii 26,aad ay ka soo wareegtay 26sanoayaan waxaan idiin soo bandhigayaa waraysiiaan ka Qaaday Mujaahidiintii Maalintaa 27May1988 iyo sidii ay u soo galeen Burco iyo Mujaahidiintii maalintaa soo galay burco sidii ay ku soo galeen Burco 27May 1988

Hadaba waxaan nasiib u helay Mujaahid Ciise Qodax Geedi oo Iminka Degan Birmingham UK inuu iiga waramo wixii dhacay maalintaas iyo sidii ay u soo galeen iyadoo ay jiraan Mujaahidiin kale oo iyaguna Fursadahaas in la siiyo loo bahanyahay. Ayna aad iyo aad mihim u tahay

Gudagalkaa ay SNM ay ku soo galeenMagaalada Burco ,Iyadoo Niyadoodu ay aad u Heersareysay ,iyadoo SNM usoo badheedhay Ciidan Awood badan sheegta oo Kumanaan ciidamo ay ku taxnaayeen Jiidaha iyo Gudaha G/Togdheer

 

Mujaahid Ciise Qodax Geedi ayaan isagana ka wareystay oo Aniga oo ah Mubaarik Yusuf (Bidhi) wuxuuna ku bilaabay hadalkisii

Anigoo ah Ciise Qodax geedi waxaan rabaa inaan halkan ku soo gudbiyo qayb yar oo ka mida taariikhdii SNM ee 27May1988 ,iyadoo lawada ogyahay oo haddii lays yidhaahdo halgankii ka sheekeeya ay tahay cajalad aan dhamaanayn.Hadaba markaan hadlo maalintaas 27may waxay ahayd maalin taariikh ah waxa weeye maalin u baahan in marka kasta ay xasuusato umadu Somaliland .

Anigu waxaan ka mid ahaa Mujaahidiintii maalintaas Burco soo galay kana tirsaanaa Ururkii la odhan jirey Urur 3aad .Hadaba markii la doonayey in dalka la galo ayaa SNM waxaa la dhigay Lab Aag oo kala ah Makka Iyo Madiina .,Ciidankii Burco soo galay waxaa Taliye inoo ahaaMujaahid Axmed Mire Maxamed Taliye ku xigeen waxaa ahaa Mujaahid Marxuun Adan Salebaan (Ma-gubte) waxaanu ahayn 4 qaybood 1aad, 3aad ,Alla-Aamin iyo Tawakal waxaanu ka sooo dhaqaaqnay meesha la yidhaahdo Samatar Axmed waxaanu ku tukunay saladdii Maqrib 26/05/88 iyadoo maalintas oo dhan lagu jirey Cibaadeysi iyo Alle barri , markii aanu soo dhaqaaqnay waxay ahayd Saladdaa maqrib iyo ducadaas ka dib ninkasta(Mujaahid kasta) waxa qoriga caaradiisa ugu xidhnayd warqad ay ku qorantahay Aayad Quraana waanuu weyso qabay Mujaahid kastaa waxaanu ahayn niman Geeri isu diyaariyey oo isa soo gunaanaday.

Waxaanu xusuustaa in Mujaahidiintaasu uu nikastaaba rasaas haystay Qasnada ku taagnayd Qoriga keliya ,meel kale oo aanu rasaas ka sugaynay ma jirin iyo gurmad kale toona waxaanu aanu ku talo galnay rasaasta faqashtu haysto, waxaanu su,aasha aanu ku soo talo galnay ahayd ayaa ahayd sidee rasaas aynu ku heli karnaa ? waxaana aanu isla qaadanay in ay rasaas iyo shidaalba ay inoo yihiin kuwa ay cadowgu hayaan ee burco yaala ayaa noo raasas ahayd inaanu ku talo galno taas ayaanu ku dhaqaaqnay oo aanu kaga dhabaynay .

Hadaba marki ay ahayd saacadu ahayd 11.00PM – 11.30PM Habeenimo ku soo jeedno Burco ayaa Tuulada Xaydh Ducato waxaa noo galay ciidan watay Bee_Beeyo oo faqashtii dalka haystayCiidankaas faqashta oo laga soo direy Tuulada Qorilugud la yidhaahdo , aad ayey noola dagaalameen lakiin iyadoobaabuurtii aanan ka degin ayaanu Jebinay waayo waxaanu ka soconay wax ka weyn , Anagaan doonayn inaan awoodaydakuwada isticmaalno oo qorshahayga ayaa wax ka bedelmayaa haddii sidaas isticmaalno, waxaa naga dhaawacmay Mujaahid Dayax la odhanjirey, waxaa kaloo madaafiic nagala soo garaacay Qorilugud iyo Waraabeeye.

 

Salaadii subax 27/05/88 oo jimce ahayd ayaanu ku Tukunay Duleedka Burco,askartii faqashta ee ugu horeysay ee aanu ku bilownay Burco waxay ahayd Faqash baadhanaysay Dad reer Miyi oo aanu si kedisa ula kulanay iyagoo dadkii reermiyiga ahaa Qoryo ku haya markii aanu kuwaa ka takhalusnay waxaanu isla markiiba u galnay Ciidankii Darawiishta oo lagu Diyaariyey Meesha Faraskabood la yidhaahdo oo hub badan oo Anti-AirGraf ku hubaysnaa ,waxaa noo suurta gashay inaanu Daqiiqado gudahoodciidankii ku jebinay waxaanu aanu abaaraynay meesha Saadkoodu yaalo oo aanu ogeyn ee ay yalaan Shidaalka, Rasaasta, iyo Sarakiisha Talisku joogo .

Isla markiiba waxaanu hore u galnay Magaaladii aanu sii galnay markii aanu jebinay Ciidankaas waxaanu galnay dagaal aad weyn oo lagu riiqmay Mujaahid Axmed Mire Maxamed ayaa ahaa Mujaahid labaad ee naga dhaawacmay Markaas ayaa Adan Salebaan (Ma-Gube) uu noqday Taliyihii Ciidanka halka Xasan Cali Abokor noqday Taliye Ku-Xigeenkii Ciidanka ,waxaan kaloo xusuustaa dagaal ayaa ka dhacay Garoonka Diyaaradaha dagaalkaas oo ay naga dhinteen Mujaahidiin badan oo 43 Shahiid ah oo uu ku jiray sarkaalkii caanka ahaa Mujaahid Ibraahin Jaamac Dhiif (Ha-Liqin)waxaan kaloo xusuustaa maalintaas saraakiil badan oo meesha maraysay oo aan ka xasuusto Mujaahidiintii ,Ina Macalin Haruun Waxaa isagu aan Xasuustaa oo isaguna galay Cadaadley Mujaahid Marxuun Maxamed Cali oo isagu halkaa hubkii yaalay iyo saanadii Faqashta la wareegay oo ahayd meeshii cadowga aad u deganaa lagana baqaayey inay dhabarjebin ku sameyso Burco Iyo Hargeysa.

.

Mujaahid Marxuun Maxamed Cali ayaa markii uu soo jebiyey Ciidankii faqashta ahaa ee cadaadley isagoo wata Tiknakaddii Madafiicdii iyo Babuurtii uu ka soo furtay Dhamaan xeraddii Cadaadley uu soo galay Magaalada Burco ,taas xoog weyn oo ku soo biiray Ciidamaddii SNM ee Burco oo awood weyn u soo korodhay ,,,, Ilaahay haw naxariisto ,,, Marxuun Maxamed Cali .

Wuxuu ku gebegebeeyey Mujaahidku in ay Guul inoo tahay in maanta gobinimadaa aan haysanaa ay ku timi halgankaa lagu guuleystay Geesiyashaasuna ay naftooda u Hureen.

 

 

La soco qaybta 3aadAnniga Mubaarik Yuusuf(Bidhi) hadaladi uu yidhi Mujaahid Maxamed Caliiyo mujaahidinti kale hadaladoodian goob jooga ka ahaa iyowakhtiigi gurtida Burco la sameeyay, sarakiishi berbera u anbabaxayhawlgalki Mujaahid Ibraahin Dhagaweeyne.31 May maalinti Hargeysa gacanta lagu dhiigay

 

Waxan qaybta 3aad ku soo diri doona sawiiradawaxanse mark kasta ka cudurdaranaya inan la wada qorin Karin taarikhda halgankii iyo mujaahidintiibawaxay u bahan tahay wakhtii aad iyo aad u badanhubin badan .isla egidbadan inlagawada sheekeyo dhamaan halganki Snmiyo dhamaan mujaahidinti kuwa shahiday iyo kuwa noolbailaa Hargeysa ilaa GabilayOdweyne ilaa burco .Saaxiil ilaa bariilaa galbeediyo wadanka oo dhanmeel kasta

 

-ILAAHAY AYAA MAHADAA ISKA LEH-

 

Waxaa Diyaariyey Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) Birmingham UK.