Daawo:Socdaalkii Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Iyo Wefti Uu Hogaaminayey Oo Xadka Somaliland Iyo Itoobiya Ku Soomaaray Deeganada Ku Xeeran +Khubadii Laga Jeediyey
Waxaana markii ugu horeesay Cutubyo Kamida Ciidanka Qaranka Somliland Ayaa Gaadhay degmada Balidhiig Gobolka togdheer Oo Dhawaan ciidmada liyuu boolisku u hanjabeen dadka xoola dhaqatada ee deegaankaasi
Maxamed Ibraahin Aaadan Qabyatire Iyo Weftigiisa Ayaa Kamid ahaa duqa degmada Burco TaliyahaQaybta Booliska ,taliyaha asluubta gobolka Abaan Duulaha Ciidanka Qaranka Qaybta 12
Waxaa Ugu Horeentii Dadweynaha Degmada Balidhiig goob barxad ah kala Hadlay Weftigani Waxay Ku Dhiiri Geliyen Inay adagkeenta nabad galyada labada Wadan waxay ugu baaqeen dadka deegaan inay ilaashadan deedanka
Maamulka ,Salaadiin Iyo Cuqaal Wax Garadka Duqeytida degmada Baldhiig Ayaa Si Balaadhan U Soo Dhaweeyey Cutubyada Kamida Ciidanka Qaranka Waxay Gudoomiyaha Gobolka Togdher Ku Bogaadiyeen Habka Ugu Dadaalay Sidii ciidankan Balidhiig Loo Keeni Lahaa
Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibaarahin aadan qabyo Tire ayaa Shacabka degmada balidhiiq ugu bushaareyey Inaan Dib Lagu Hajabin Doonon Shacabka
Deegaankaasi ee Somaliland ka sugan Intaasi Kadib Gudoomiyaha gobolka togdheer iyo weftigii uu hogaaminayayey ayaa Socdaal Ku Soomaray Deeganada Xuduudka Teedsan Sida dharyaley ,dhagax dheer ,candhadhexe ,sibidhley ,habedley riyo xidho yucub yabooh,durugsi , garxunta sare, xaaji saalax waxaayna warbixono Ka Dhagaysteen Maamulada Degmooyinkaasi
Daawo:Socdaalkii Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Iyo Wefti Uu Hogaaminayey Oo Xadka Somaliland Iyo Itoobiya Ku Soomaaray Deeganada Ku Xeeran +Khubadii Laga Jeediyey
Burco(AFKA)Gudoomiyaha Gobolka togdheer iyo Wefti Balaadhan Oo Uu Hogaaminaayye ayaa Socdaal Ku Soomaray Deegaanada Xuduudka Somaliland Iyo Itoobiya dhaxeeya