Maxaad ka Taqaanna Furayaasha Qoyska Wanaagsan!!!!! Qalinkii: Nimco Baashe Cabdi

0
Tuesday May 27, 2014 - 10:27:11 in by Super Admin
  • Visits: 5060
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad ka Taqaanna Furayaasha Qoyska Wanaagsan!!!!! Qalinkii: Nimco Baashe Cabdi

    Waxaa sannadahan danbe aad kor ugu kacay xaaladaha furitaanka, burburka Qoyska iyo dayaca Ubadka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sannadahan danbe aad kor ugu kacay xaaladaha furitaanka, burburka Qoyska iyo dayaca Ubadka,
Balse waxaa jira qoysas badan oo Guurkoodii ku najaxay, waxaana hubaal ah in Guurarka guulaystay ayna bilaash ku guulaysanin, balse uu ka talaabsaday dhibaatooyin badan oo sababay in guurar kale oo isaga la mid ahi ay burburaan. 

Haddaba akhriste waxaanu maanta idiin soo gudbin doonna qodobadda uu ku najaxo qoyska wanaagsan oo u horseeda guur badhaadhe ku dambeeya oo nolosha meel wanaagsan ka galaa. 

khatarta Carabka:Afdhaafka ama carab dheeridu waxay ka mid tahay khataraha ugu waaweyn ee nolosha lamaanaha jug weyn gaadhsiin kara. 

Hadaba waxaa aad u haboon inay labada is-qabtaa ku dadaalaan siday u xakamayn lahaayeen Carabkooda, gaar ahaan xaaladaha cadhada iyo xanaaqa. Hadalka xun ee soo baxa waqtiga xanaaqa lama iloobo, gaar ahaan haduu yahay mid kujeeda reerka ama qoyska ay kasoo jeedo xaasku. 

Hadaba Carabku waa xubin yar oo aan laf lahayn laakiin jabin karta lafo xeel-dheer, burburin kartana guryo dhisnaa, kalagayn kartana reero aad isu-jeclaa. Indho lammaane : Waxaa la wada ogyahay in marka lays shukaansanayo qof waliba ku dadaalo inuu muujiyo dhinacyada uu ku fiican yahay, ama meelaha uu ka qurux badan yahay, si’uu qofka kale isu jeclaysiiyo. 

Marka lays arooso kadibna si dhab ah ayaa laysu bartaa, qof walbana waxaa u soo ifbaxa ceebaha qofka kale. Rabbina (swt) ma abuurin qof dhamays tiran, ee qof walba meelo ayuu kaliitaa, ceebana ka leeyahay, hadaba waxaa haboon inaad beegsanin ceebaha iyo iimaha qofka kula nool ee aad fiiriso, dhinacyada uu ku fiican yahay, ka qurxan yahay, kuna amaanto meelahaas isuu kuusii jeclaado. (Waqtiga shukaansiga indhahaaga aad u futor, Guurka kadibna indhahaaga nus xidh. Raadinta Xal dhexdhexaad ah:Marka la dhaafo bish Arooska iyo maalmaha macaanka, waxaa bilaabata noloshii dhabta ahayd, waxaana soo baxa dabeecadihii dhabta ahaa, waxaana dhici karta in lakala boodo ama laysku dhoco. Markaana waxaa aad loogu baahan-yahay, in lawada hadlo laysuguna yimaado meel dhexe, qofwalbana ogolaado inuu katago qaybo kamid ah, waxyaabihii uu jeclaa ama uu rabay siloo adkeeyo jiritaanka qoyska. Qofka raba inuu helo dhamaan wuxuu jeclaa, waa qof aan dhisi karin nolol qoys, mid bulsho iyo mid urur midna, waxaa layiri waxaa isku bah ah (kaligii noolaade, Kaligii cune iyo kaligii taliye) Ilaahay shartooda hanaga koriyee. Runtu waa raaxo : Majirto nolol qoys oo kamaran dhibaatooyin laxiriira is faham la´aan ama is eedayn, balse khatarta ugu xumi waa; Beenta, hadal isdaba marinta, Runta oo yaraata iwm. 

Taasina waxay keenaysaa inay kalsoonidii yaraato, shakigu bato, wax lakala maqli waayo, halkaana waxaa kabilaaban kara khatar kutimaada jiritaankii qoyska. 

Hadaba Beentu waa xaaraan, waxayna keentaa Shakki, kalsooni dhumid, waana bilowga xumaan oo dhan, Runtuna waa raaxo, kalsooni, xasilooni iyo raalli gelin Rabbi (swt). Wadaaga shaqada Guriga : Guryaha dhismay waxay ku caan baxeen cadaalad ku dhaqanka iyo mucaamalo wanaag. Waxyaabaha jacaylka iyo kalsoonida Qoyska abuurana waxaa ka mid ah inuu ninkii la wadaago xaaskiisa shaqada guriga sida: ilmo haynta, cunta karinta, alaab dhaqida, nadaafada guriga iwm, gaar ahaan maalmaha aanu shaqo lahayn, ama uu siiyaba maalin ay iyadu nasato isagu shaqada Guriga qabto. 

Taasina waxay abuuraysaa; hawl wadaag, kalsooni lays dhaafsado ilmihii oo farxa markay arkaan aabihii oo hooyo la shaqaynaya iyo Gurigii oo salka dhigta. 




Qalinkii: Nimco Baashe Cabdi