Garyaqaan U Dhashay Dalka Kenya Oo Maydkiisa Laga Helay Meel U Dhaw Magaalada Nairobi.

0
Saturday July 02, 2016 - 09:32:24 in by salman abdi
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garyaqaan U Dhashay Dalka Kenya Oo Maydkiisa Laga Helay Meel U Dhaw Magaalada Nairobi.

    Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa ku amartay booliska inay soo saaraan warbixin ay kaga hadlayaan eedda ah inay afduubeen oo ay dileen qareen u dooda xuquuqda aadanaha iyo laba qof oo kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa ku amartay booliska inay soo saaraan warbixin ay kaga hadlayaan eedda ah inay afduubeen oo ay dileen qareen u dooda xuquuqda aadanaha iyo laba qof oo kale.



Maydadka qareen Willie Kimani iyo darawalkii tagsigii waday ayaa laga aqoonsaday qolka la dhigo maydadka ee Nairobi.

Waxa laga helay meel todobaatan kiiloomitir u jirta magaalada, iyagoo webi qarkii yaalla.

Waxaananse weli meelna lagu sheegin macmiilkii uu matalayay qareen Kimani, oo isna isla xilliyadaa la waayay.

Mr Kimani ayaa waxa uu u shaqayn jiray hay’ad Maraykan ah oo ka shaqaysa bixinta gargaarka sharciga oo la yidhaa International Justice Mission.

Wuxuu haatan matalayay qof wakiishay oo ka dacwoonayay askari boolis ah oo siduu sheegay ku toogtay bar kaantarool oo uu marayay bishii Apriil ee 2015.

Sida ay leeyihiin Ururuka Qareennada Kenya, saddexda qof ayaa la waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen kaddib markii ay maxkamadii muddo todobaad ah u qabatay.

Qareennada Kenya ayaa dhigay mudaharaad, sidoo kalana waxa ay booliska u gudbiyeen qoraal cabasho ah oo ay ku dalbanayaan in meel loogu sheego raga maqan.

Taliyaha booliska ayaa sheegay in sharciga lala tiigsan doono askarigii lagu helo inuu falalkan ku lug leeyahay. 


Source BBC