Gareth Bale v Cristiano Ronaldo – Kulanka Wales & Portugal Ee Semi-finalka Euro 2016 Oo Durbaba Qabsaday Bogga Bulshada Ee Twitter.

0
Saturday July 02, 2016 - 18:02:09 in by Burco Office
  • Visits: 1170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gareth Bale v Cristiano Ronaldo – Kulanka Wales & Portugal Ee Semi-finalka Euro 2016 Oo Durbaba Qabsaday Bogga Bulshada Ee Twitter.

    Ka dib guushii taariikhiga aheyd ee ay Wales ka gaareen xulka Belgium wareega sideeda ee Euro 2016, Wales ayaa haatan wajaheyso xulka Portugal wareega afar dhamaadka isbuuca soo soo socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib guushii taariikhiga aheyd ee ay Wales ka gaareen xulka Belgium wareega sideeda ee Euro 2016, Wales ayaa haatan wajaheyso xulka Portugal wareega afar dhamaadka isbuuca soo soo socda.

Goolal ka kala yimid Ashley Williams, Hal Robson-Kanu iyo Sam Voakes ayaa xaqiijiyay in xulka Wales ay gaaraan guushoodii ugu weyneyd taariikhda kubada cagta.

Guushii 3-1 ee ay ka gaareen xulka Marc Wilmots ayaa gaarsiisay meeshii ugu sareysay abid ee ay ka gaaraan tartan caalami ah.

Laakiin islamarkii ay dabaaldegyada ka bilowdeen Lille, waxa ay sheekada isku bedelay iska horimaadka ugu weyn kubada cagta haatan ee lagu tilmaamay inuu la mid yahay Batman v Superman.

Bale-and-Ronaldo-happy-main

Raga saxiibada ku ah Real Madrid ee Gareth Bale iyo Cristiano Ronaldo ayaa si fool ka fool ah isaga horimaanaya magaalada Lyon arbacada soo socota.

Twitter ayaana si weyn looga hadal-hayaa kulanka soo socda ee Wales v Portugal iyo sidoo kale Gareth Bale v Cristiano Ronalod.

Mik Neville: "Wales v Portugal waxa ay noqon doontaa Bale iyo Ronaldo oo ciyaaraya ‘Wixii aad sameyso wax ka fiican ayaan sameyn karaa'”.

Channel 4 ayaa iyagana ku maadeystay labada xiddig ee waa weyn iyagoo soo qoray: "Waa Portugal v Wales semi-finalka ama maalintii ay lacag badan shaqeysan lahaayeen raga iibiya jeelka timaha ee magaalada Lyon.”

Mark Travis: "Waxa ay noqon doontaa daawasho baashaal ah in la arko Gareth Bale oo reebaya Ronaldo. Ma jirtaa wax intaas ka badan oo dhibi kara Ronaldo?”

GMcKeown: Bale v Ronaldo oo semi-final isla jooga! Waxaan u maleynayaa in cid walba oo ka baxsan Portugal inay u sacabatumi doonto Wales!”