Tartanka Qur'aanka Bisha Ramadaan oo lagu soo Gunaanaday Dalka Koonfur Afrika

0
Tuesday July 05, 2016 - 10:13:21 in by Burco Office
  • Visits: 743
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartanka Qur'aanka Bisha Ramadaan oo lagu soo Gunaanaday Dalka Koonfur Afrika

    Tartankan Qur'aanka Kariimka ah oo ahaa kii afaraad oo ay soo Qaban-qaabiyeen Golaha Culummada Soomaaliyeed ee Al-bayaan ee Dalka Koonfur Afrika oo sannad walba bisha Ramadaanka la qabto, ayaa lagu soo gunaanaday Masjidka Imaamu Shaafici ee Maga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartankan Qur'aanka Kariimka ah oo ahaa kii afaraad oo ay soo Qaban-qaabiyeen Golaha Culummada Soomaaliyeed ee Al-bayaan ee Dalka Koonfur Afrika oo sannad walba bisha Ramadaanka la qabto, ayaa lagu soo gunaanaday Masjidka Imaamu Shaafici ee Magaalada Johannesburg.

 

Waxaa tartankan ka Qayb-galay 12-dugsi Qur’aan oo ka kala socday illaa Toddobo gobal oo ka mid ah Sagaalka gobal ee Waddanka Koonfur Afrika, iyadoo ardaydii tartankan ka qayb-galay ay ku tartameen Juska Koowaad, Shanta Jus, 10-ka Jus, 15-ka Jus iyo 30-ka Jus ee Qur’aanka Kariimka ah.

Sidoo kale, Tartanka ayaa waxaa daadihinayay culummo u dhalatay dalka Koonfur Afrika, waxayna ardayda weydiinayeen su'aalo u diyaarsanaa hab ku dhisan nasiib oo ay Ardayda tiro Qabsanayeen.

Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada Tartanka Qur’aanka Bisha Ramadaan ee Sanadkan 2016-ka, Sheekh Cali Towxiid oo ka Hadlay Gaba-gabadii Tartankaan, ayaa ka warbixiyay Marxaladihii lagu soo kala qabtay tartankan guud oo ay billaabeen sannadkii 2012-kii, lana qabtay Sannadihii 2014-kii iyo 2015-kii iyo Sannadkan 2016-ka oo ah midkii Afaraad.

Sh. Towxiid, wuxuu sheegay inay Tartamadaan ay Sahli karaan in ay Heer Qaran oo Dalka South Africa ah Ardaydu u soo gudbaan, ayna ku Guuleystaan in ay ka Qayb-galaan kuwa Caalamiga ah iyo midka lagu qabto Sannad walba Boqortooyada Sacuudiga.

Dhanka kale, Amiirka Golaha Culummada Soomaaliyeed ee Al-bayaan Sh. Xasan Guure oo isagana ka hadlay Gunaanadkii Tartanka Qur’aanka, ayaa ALLE ka sokoow u mahad-celiyay intii suuro-gelisay inuu Tartanku Qabsoomo oo isugu jiray Maamul, Macallimiin, arday, Waalidiin iyo ganacsato, isagoo xusay in Tartamada noocaan oo kale ah ee carruurta loo qabto ay sare u qaadi karaan Dadaalkooda Brashada Diinta, iyadoo bisha Ramadaan ee lagu jirana ALLE uu ajar ka siinayo intii ka qayb-qaadatay.

Ugu dambeyn, Tartankan Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Ramadaan loona qabtay qaar ka mid ah Madaarista ay Soomaalidu leedahay Koonfur Afrika, ayaa waxaa Gabagabadiisii la abaal-mariyay ardaydii kaalmaha ka gashay iyo kuwii ka qayb-qaatay, waxayna culumadii garsoorka ahaa iyo guddigii qaban-qaabada ku dhiirri-geliyeen inay dadaalka ay muuiyeen halkiisa kasii wadaan.