Qaad Sifo Sharci Darro ah looga dhoofinayey Dalka oo Madaarka Hargeysa Lagu Qabtay

0
Tuesday July 05, 2016 - 12:10:39 in by salman abdi
  • Visits: 982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaad Sifo Sharci Darro ah looga dhoofinayey Dalka oo Madaarka Hargeysa Lagu Qabtay

    Masuuliyiinta madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport ayaa qabtay qaad si sharci darro ah looga dhoofinayay madaarka Hargeysa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport ayaa qabtay qaad si sharci darro ah looga dhoofinayay madaarka Hargeysa,

 qaadkaas oo loo soo egaysiiyey garawga iyo khasharka hoostana lagaga soo guray caleentii qaadka taasoo dusha aan aad looga garanayn.

cigaal

Maamulaha madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf ayaa arrintaasi ka warbixiyey waxaana uu yidhi:

" Waxaanu Halakan ku soo bandhigaynaa Allaab ay qabteen hawl wadeenada Amaanka ee Madaarku, oo la doonayey in sifo sharci daro ah lagaga dhoofiyo Madaarka, loona dhoofinaayey Wadamo uu ka magnuucyahay Qaadku, waa baco muuqaalka guud laga dhigay Khashar xaga hoosena Caleentii Qaadka, iyo qaar laga dhigay muuqaalka guud Garaw xaga hoosena Caleentii Qaadka, qaarba iyana laga dhigay muuqaalka guud Geed Adari, Xagahoosena Caleentii Qaadka, waxa kale oo lagu soo cabeeyay qaraadiista Shaaha Madaw iyo kuwa xinaha.”

"waxaa sitay Qof socdaal ah oo ka dhoofayey Madaarka Cigaal International Airport, waxaanu dadweynaha reer Somaliland iyo Mushtamaca kale ee Caalamkaba u sheegaynaa, in tab iyo xeelad kasta oo lala yimaado si waxyaabaha sharci darada ah loogu dhaafiyo Madaarka, in aanu haysno Shaqaale iyo Mishiimo ku filan, amaba qaban kara shaqooyinkii loogu talo galay, waxaanay shaqaalahu u leeyihiin shaqada Amaanka Madaarka Khibrad iyo Waayo Aragnimo ku filan.”

"Dadka Madaarka ka dhoofaya iyo kuwa ka soo degaaya waxaanu iyagana uga digaynaa, in ay waxyaabah noocan oo kale ah ee iyaga laftooda socdaalkooda khatar galin kara ka waantoobaan.”