"Waxaan Si Qoto Dheer Uga Naxay Ugana Murugooday Weerarkii Argagixisinimo Ee Lagu Qaaday Dhulka Barakeysan"Madaxwaynaha Somaliya

0
Tuesday July 05, 2016 - 15:41:31 in by salman abdi
  • Visits: 634
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan Si Qoto Dheer Uga Naxay Ugana Murugooday Weerarkii Argagixisinimo Ee Lagu Qaaday Dhulka Barakeysan"Madaxwaynaha Somaliya

    Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey qaraxii xalay ka dhacay magaalada barakeysan ee Medina ee dalka Sacuudiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey qaraxii xalay ka dhacay magaalada barakeysan ee Medina ee dalka Sacuudiga.


 

Waxaa uu sheegay in uu ka naxay weerarkaas ka dhacay dhulka barakeysan, isagoo ka wakiil ah dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedna uu la qeybsanayo walaalaha Sacuudiga xanuunka ay arrintani leedahay.

 

” Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somaliya iyo kan dadka Somaliyeed , waxaan si qoto dheer uga naxay ugana murugooday weerarkii argagixisinimo ee lagu qaaday dhulka barakaysan waxaan Murugada la qeybsanaynaa walaalaheena reer Sacuudi Carabiya. " ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud .


Qaraxa ka dhacay bannaanka hore ee masaajidka Nabiga (NNKH) ee Medina waxaa ku dhintay afar askari oo ka tirsanaa ciidanka amniga Sacuudiga, shan kalana way ku dhaawacmeen
Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in dunida Carabta, dalalka Muslimka iyo caalamka kalaba ay u midoobaan la dagaallanka argagixisada.