"Xilka qarran, xisaabtan ma leeyahay" WQ" Maxmed Xasan Caalin

0
Saturday May 31, 2014 - 15:16:17 in by salman abdi
  • Visits: 1298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    "Xilka qarran, xisaabtan ma leeyahay" WQ" Maxmed Xasan Caalin

    Waxaan uga socdaa Abdilaahi_Abokor waa midhahii iyo tobabarkii Madaxwayne_Siilaanyo, waana dadkii uu siyaasada ku so daray waxay muujinaysaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan uga socdaa Abdilaahi_Abokor waa midhahii iyo tobabarkii Madaxwayne_Siilaanyo, waana dadkii uu siyaasada ku so daray waxay muujinaysaa


Xayawaan dad la joog ahaa, oo aan dhibaato badan lahaynbaa, bari oday rabaystay waxaanu ku rabeeyay oo uu u tobabaray dad cunnimo iyo dad-qalnimo. mudo markii uu ku ugadhsanayay ayuu gaabis iyo talax gabis ku tuhmay waxaanu ka war helelay In dageenka uu joogo xayaawan noociisa ah, se ka ilka wayn kana qabasho fiican dushana aanad bahal moodayn oo xayaawaanku u so dhawaan karo.

odaygii kiibuu soo iibsaday kii kalena ayduu ku sii daayay. Bahalku saw mu talax gabin manuu gaboobine is gaabis iyo ilka safaysibay ka ahayd wuxuu se ogaaday inaanay kab u yeelnayn oo xagan iyo xagaa toona inaanay wax u oolayn cadhadii iyo ciilkii wuxuu kula dhacay odaygii karkaarka waydaariye dad la joogana ka kaxeeyay bahalnimadana ku sii hayn waayay. Wuxuuse baal maray halkii loogu hagaagi lahaa. 

Waxaan uga socdaa Abdilaahi_Abokor waa midhahii iyo tobabarkii Madaxwayne_Siilaanyo Waxay muujinaysaa sida masuuliyiinta uu xilalka qaranka u magaacabay, kuna sheegay inuu ku qancay aqoontooda xirfadooda iyo xil kasnimadoodu ay nooca yihiin.

Waxay muujinaysaa siday uga qatan yihiin intooda badani wadaniyada iyo wixii wadankan loo soo galay. Waxay muujinaysaa inay dhuuni raac dhadhan iyo dhaameel ugu shaqeeyaan xukuumada.

Waxaan odhan karaa inta ay xukuumadanu dhistay intay dumiysay ee qiyam iyo akhlaaq ummadu lahaydbaa ka badan.

Ummadiiba qawlaysato, daba dhilif maalin quud guul-wadayaalbay ka dhigeen. Waase fariin cad oo ku socota wasiiro badan oo maanta guulwadaynta xukuumada ku mashquulsan in maalinta Xilka laga tiriyee ay afka furtaan saq dhexe aqalka loogu daadan doono. 

Kun iyo kaw khalad oo qarannimada ummada dhaawacaysay ayuu masuulku ku kacay intuu saaxadda siyaasada soo galay inta hore laysma waydiin iyana waa yaab. 

Gefkaad ku kacdo intaad qaranka xilk u hayso waa laysma waydiiyaan waayo? Waaaba lagugula socdaa waaba wixii laguu igmadayba.




Mohamed Hasan Aalin

Sudan / khartoum