Deegaanada Maamul Goboleedka Puntland Oo looga Dabbaal Dagaayo Markii Maamulkaas la aasaasay

0
Monday August 01, 2016 - 12:38:19 in by Burco Office
  • Visits: 715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deegaanada Maamul Goboleedka Puntland Oo looga Dabbaal Dagaayo Markii Maamulkaas la aasaasay

    Dawlad goboleedka Puntland ayaa waxay maanta u dabbaal dageysaa sanad guuradii 18aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlad goboleedka Puntland ayaa waxay maanta u dabbaal dageysaa sanad guuradii 18aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay.

Munaasabado loogu dabbal dagayo 1da Agoosto oo ah maalintii dhidibada loo aasay Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Puntland sanadkii 1998 ayaa ka socda meelo badan oo Puntland ah gaar ahaan xarunta Puntland ee Garowe. Madax sarsare oo Maamul Goboleedka Puntland ka tirsan ayaa lagu wadaa inay dadka kula hadlaan meelo fagaare ah oo kuyaala xarunta Puntland ee Garowe iyo meelo kale.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay guud ahaan Puntland gaar ahaan magaalooyinka waaweyn saaka sida Garowe iyo Boosaaso

Wariyaha SONNA ee Puntland ayaa sheegay in ciidamada booliska ay gaaf wareegayaan waddooyinka iyo dhismeyaasha muhiimka ah magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe ayagoo geyfnaan kujira.

Puntland ayaa la aasaasay sanadkii 1998 mar qeybo badan oo Soomaaliya ah ay kajireen colaado lagu hoobtay oo ahli ah.



Afkashacabka.com
Garoowe/Office