Cayaaryahanka Wayne Rooney oo Mustaqbalkiisa Ciyaareed U Hibeeyey Kooxda Manchester United

0
Monday February 17, 2014 - 11:56:06 in by Super Admin
  • Visits: 1498
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cayaaryahanka Wayne Rooney oo Mustaqbalkiisa Ciyaareed U Hibeeyey Kooxda Manchester United

    Wargeyska The Sun ayaa qoray in Wayne Rooney uu mustaqbalkiisa inta ka dhiman u hibeeyay kooxda Manchester United

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska The Sun ayaa qoray in Wayne Rooney uu mustaqbalkiisa inta ka dhiman u hibeeyay kooxda Manchester United

Weeraryahanka England ayaa hami weyn geliyay tababaraha cadaadiska uu saaran yahay ee David Moyes iyo taageerayaasha Man United isagoo ogolaaday inuu saxiixo heshiis afar sanno iyo badh ah oo wadar ahaan ku kacaya 70 milyan oo ginni.

Qandaraaskaan cusub ayay The Sun sheegeysaa inuu Rooney Usbuucii ku qaadan doono 300 kun oo ginni, waana qandaraaskii ugu weynaa abid taariikhda Premier League. Waxaa sidoo kale la fahamsan yahay inuu noqon doono kabtanka cusub marka Nemanja Vidic uu baxo iyadoo sidoo kale shaki la gelinayo mustaqbalka Rio Ferdinand.

Ilo kooxda ka tirsan ayaa The Sun u sheegay in 28 jirkaan uu Old Trafford sii joogi doono ku dhawaad marka uu jiro 33 sanno, taasoo la micno ah in Red Devils ay heli doonto inta ka hartay sannadihiisii uu ugu fiicnaa.

Rooney ayaa wadahadalo kula jiray United, waxaana uu ogolaaday inuu kooxda sii joogo inkastoo ay xiiseynayeen Chelsea iyo Real Madrid.

Qandaraaska uu Rooney haatan kula jiro United waxaa ka harsan 18 bilood isagoo isbuucii qaata 250 kun ginni.

Manchester United Oo Xagaaga La Soo Wareegaysa Marco Verratti

(SLT:Hargaysa) Kooxda Manchester United ayaa la sheegaya inay qorsheyneyso dalab ay ka gudbiso da’a yarka reer Italy iyo kooxda PSG Marco Verratti xagaagan marka uu suuqa kala iibsiga ciyaaroyda dib u furmo June.

Xiddiga heerka caalami Ee xulka Italy iyo kooxda Paris Saint Germain ayaa qaab ciyaareed loo wada riyaaqay la soo baxay labaddi sanno Ee la soo dhaafay isagoo kooxdisa ka caawiyay inay ku guuleysato Lige 1 De France xilli ciyaaredkii hore sido kale guulo wax ku ool ah u horseeday kooxdsa PSG.

Si kastaba ha ahaatee, waxa imika shaki la galinaya booska da’a yarkan uu ka heli karo kooxidsa PSG maadama ay la soo wareegtay Yohan Capaye sido kale doondooneysa inay la soo wareegto xiddiga khadka dhexe ugu ciyaara Juventus Paul Pogba iyo Mirliam Pijanic Ee u ciyaara Giallorossi Roma.

Tababaraha kooxda reer France Ee PSG Laurent Blanc ayaa heysta Saddex Dookh oo khadka dhexe Ee daafaca ah iyadoo uu xiddigan casbi weyn ka qabo

nuu keyd galo wuxuna tartan xoogan kala kulmi doona Thiago Motta iyo Blaise Matuidi inkastoo la saadalinayo inuu Matuidi isaga tagi doono Parc Des Prince.

Raymon Domenech oo ah tababarihii hore Ee PSG ayaa u sheegay M Chaine Sport inay adagtahay in seddexdan ciyaaryahan ay kooxda sii wada joogan iaydoo ay kooxda qorsheyneyso inay ciyaaryahana kale la soo wareegto sido kale Verratti ayaa qirtay inuu isaga tagi doona Paris hadii xaalku sii xumado balse uusan ku dag dagi dooonin kooxda uu ku biirayo.

David Moyes ayaa xiiseynayay xagaagi hore inuu la soo wareego xiddigan lakiin uu midas ka gaabsady uuna raadinayay fursad uu ku heli karo da’a yarkan mustaqbalka ku leh kubadda cagta isagoo qorsheynaya inuu ku dhaqaaqo la soo wareegista xiddigan hadii uu ku guul dareysto dalabka uu ku doonayo Vidal.

 


Afkashacabka.com / Sports
contact@afkashacabka.com