Diyaarad Helicopter uu leeyahay Ruushka oo lagu soo riday Waqooyiga Suuriya

0
Monday August 01, 2016 - 19:08:24 in by Burco Office
  • Visits: 654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Helicopter uu leeyahay Ruushka oo lagu soo riday Waqooyiga Suuriya

    Diyaarad Helicopter uu leeyahay Ruushka ayaa lagu soo riday Axadii shalay waqooyiga Suuriya, sida ay shaacisay Wasaaradda Difaaca Ruushka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarad Helicopter uu leeyahay Ruushka ayaa lagu soo riday Axadii shalay waqooyiga Suuriya, sida ay shaacisay Wasaaradda Difaaca Ruushka.

Sida ay sheegayaan wararka diyaarada ayaa lagu soo riday Gobolka Idlib, waxaana la socday shan ruux oo saddex ka mid ah ay ahaayeen duuliyeyaasha diyaarada

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay inay isku dayayso inay ogaato xaalada dadkii saarnaa diyaaradaas.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Mi-8 ayaa gar gaar gaarsiiyay magaalada Aleppo, waxaana la toogtay ama la soo riday markii ay dib u soo laabatay, iyadoo ku sii jeeday saldhiga ciidamada cirka Ruushka ku leeyihiin Suuriya.

Ruushka ayaa tan iyo dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay taageerayay dowladda uu hogaamiyo Bishaar Al-Asad, waxaana uu duqeynayay goobaha ay ku xooggan yihiin Daacish iyo kooxaha kale ee mucaaradka ku ah dowladda Suuriya.