WarDeg Deg Ah:Taliska AMISOM Oo Aqbalay Dalab Muhiim Ah Oo Uga Yimid Musharaxa C/raxmaan Faroole

0
Monday August 01, 2016 - 19:12:52 in by Burco Office
  • Visits: 770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WarDeg Deg Ah:Taliska AMISOM Oo Aqbalay Dalab Muhiim Ah Oo Uga Yimid Musharaxa C/raxmaan Faroole

    Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo haatan ah musharax u taagan doorashada xilka Madaxweynaha Somalia ayaa ka dalbaday AMISOM in la siiyo ciidamo ku ilaaliya magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo haatan ah musharax u taagan doorashada xilka Madaxweynaha Somalia ayaa ka dalbaday AMISOM in la siiyo ciidamo ku ilaaliya magaalada Muqdisho. Faroole oo dhowaan ku soo wajahan magaalada Muqdisho si uu ololihiisa doorashada u guda galo ayaa sheegay inuusan ku kalsooneyn iney amaankiisa sugaan ciidamada dowlada Soomaaliya, uuna doonayo in la siiyo ciidamo ka tirsan AMISOM.

Waxaa uu sheegay Faroole in isaga iyo siyaasiyiin kale oo musharaxiin ah ay ka walaacsan yihiin amaankooda marka ay tagaan magaalada Muqdisho xiliga doorashooyinka.

Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa sheegay inay tixgeliyeen codsiga Cabdiraxmaan Faroole iyo murashixiin kale oo uu kamid yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Shiikh Aadan, kuwaasoo loo arko inay yihiin murashixiin saamayn ku lahaa siyaasada Soomaaliya, xilal sarena horey u soo qabtay.