Saraakiil Ciidamo katirsan AMISOM Oo Maxkamad lagu Saaray Muqdisho+Sawiro

0
Tuesday August 02, 2016 - 17:54:10 in by Burco Office
  • Visits: 572
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Ciidamo katirsan AMISOM Oo Maxkamad lagu Saaray Muqdisho+Sawiro

    Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dalka Uganda ayaa maanta magaalada Muqdisho Maxkamad ku saartay saraakiil iyo askar katirsan Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda ,kuwaa oo loo heestay dambiyo kala duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dalka Uganda ayaa maanta magaalada Muqdisho Maxkamad ku saartay saraakiil iyo askar katirsan Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda ,kuwaa oo loo heestay dambiyo kala duwan. Ciidamada Maxkamada maanta lasoo taagay oo gaaraay 17-askari ayaa qaarkood loo heestay in ay iibsadeen raashin, Shidaal iyo agabyo kale ay Ciidamada AMISOM lahaayeen, askartan ayaana qaarkood waxaa horey u xiray booliiska Soomaaliya iyaga oo falkan gacanta kula jiray.

Maxkamada ayaa dhageesatay dacwadaha lagu soo oogay askartan katirsaneed AMISOM, waxa ayna maxakamada sidoo kale dhageesatay marqaatilaan kiiskan wax ka ogaa, iyadoona ugu dambeyn maxkamada Xukun ku riday sargaalkii Madaxda u ahaa ciidankan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dalka Uganda Brig Dick Olum, ayaa ka dhaawjiyay in Maxkamada hal sano oo xabsi ah ku riday taliyihii heestay ciidankan Major Bob Francis Aring, waxaa sidoo kale sargaalkan hoos loo dhigay darajadiisa.


Maxkamadeynta askarta kale ee kiiskan ku lugta lahaa ayaa la sheegay in ay sii socon doonto, Waxa ayna garsoorka Maxkamada sheegeen in cadaalada la marsiin doono askarigii uu ku cadaado dambiyada loo heesyo, waxaan maxkamadeynta askartan kadib la flayaa in dalka laga musaafuriyo.