Madaxweyne Marwadiisa u sharaxay Madaxweyne kuxigeenka Dalkiisa

0
Thursday August 04, 2016 - 11:58:05 in by salman abdi
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Marwadiisa u sharaxay Madaxweyne kuxigeenka Dalkiisa

    Madaxweynaha dowlada Nicaragwa Daniel Ortega ayaa xaaskiisa u soo sharaxay inay noqoto Madaxweyne ku-xigeenkiisa xilli uu u tartamayo in dib loo doorto markii 3aad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlada Nicaragwa Daniel Ortega ayaa xaaskiisa u soo sharaxay inay noqoto Madaxweyne ku-xigeenkiisa xilli uu u tartamayo in dib loo doorto markii 3aad.


ortega-murrilo

Daniel Ortega wuxuu xaaskiisa Rosario Murillo ayaa u sharxay ku xigeenkiisa si mar kale dib loogu doorto oo ay ka caawiso ololaha madaxtinimada ee dalkaasi.

Rosario Murillo waa xaas leh todoba caruur ah, waxayna ku hadashaa luqadaha Ingiriiska iyo Faransiiska, iyadoo ah qof caan ah oo suugaanta iyo gabayada ku dheereysa.

Madaxweyne Ortega oo ku jira da’da 70 jirka ah ayaa hogaamin jiray jabhadadii la soo dagaalantay keli-taliyeyaashii qoyskii Somoza oo dalkaasi soo xukumay 40 sanadood ka hor inta uusan talada dalka la wareegin.

Sanadkii 1970 ayuu Madaxweyne Ortega talada laakiin xisbigiisa waxaa looga adkaaday doorashadii sanadkii 1990, waxaase dib loo doortay 2007 markii olole weyn ay galeen.

Rosario Murillo ayaa xilkan loo magacaabay ka hor aheyd afhayeenka dowladda wadanka Nicaragwa oo ku yaala qaarada Latin Amerika waxaana la rumeysan yahay inay awoodda la heyso saygeeda, iyadoo caan ka ah warbaahinta dalkaasi.

Waxaa lagu eedeeyaa qoyska madaxweyne Ortega inay hogaanka dalkaasi ka dhigteen mid ay iyagu leeyihiin oo kale.