"Xukuumadad dabayaqadii joogta inay heshiis 30-sanno ah iska gasho aqbalmaha waana xaaran"Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

0
Thursday August 04, 2016 - 18:35:50 in by Burco Office
  • Visits: 894
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xukuumadad dabayaqadii joogta inay heshiis 30-sanno ah iska gasho aqbalmaha waana xaaran"Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

    Xildhibaan Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde oo kamid ah Xildhibaanada ugu khibrada badan Golaha Wakiilada, ahana Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Golahaas,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde oo kamid ah Xildhibaanada ugu khibrada badan Golaha Wakiilada, ahana Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Golahaas,

 ayaa si ba’an u dhaliilay Mashruuca heshiiska DP World iyo Xukuumadda Somaliland wada galeen, kaas oo uu ku tilmaamay carqalad losii dhigaayo Xukuumadda badali doonta KULMIYE. Xildhibaan Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jire oo ka hadlaayay Munaasibad Siyasiyiin iyo tagerayaal cusbi ugu soo birayeen Xisbiga WADANI oo ka dhacday Magaalada Hargaysa wuxuu yidhi.


"Wax qarsoodi ah oo lala gudaayo oo kili kilada lagu heysto , oo aan Xildhibaanadii Wakiilada loo sheegayn oo Wasiiradii gacanta iska taagayeen, iyadoo nin heshiiska akhriyey aanu ku jirin , maxaa lala yaacayaa 6 bilood baa hadhey’e, Xukuumadad dabayaqadii joogta inay heshiis 30-sanno ah iska gasho aqbalmaha waana xaaran”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo hadalkiisi sii wata wuxuu yidhi.

"Heshiiska wareejinta Dekada Berbera waa dabin loo dhigaayo Xukuumadda soo socota ee KULMIYE ka danbeysa, maadama oo uu yahay heshiis aan 30-sanno laga bixikarin”. Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.