Ciidamada Booliska Kiiniya oo Ka Hor Tagay Weerar Kuwajahnaa Xeryo Boolis Leeyihiin

0
Thursday August 04, 2016 - 18:38:13 in by Burco Office
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Booliska Kiiniya oo Ka Hor Tagay Weerar Kuwajahnaa Xeryo Boolis Leeyihiin

    Ciidamada biliiska Kenya ayaa fashiliyay weerar ku wajahnaa xero boolis saaka ayagoo soo qabtay hub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada biliiska Kenya ayaa fashiliyay weerar ku wajahnaa xero boolis saaka ayagoo soo qabtay hub.

Ciidamada booliska ayaa soo qabtay qori AK ah iyo 178 xabbadood hawl gal lagu soo qabanaayay nin booliska horay uga tirsanaa oo ay tuhmeen inuu Al-Shabaab ku biiray, sida boolisku sheegay.

Ninkaa ayaa lagu magacaabaa Eric Ngethe kaasoo la sheegay inuu biliiska Kenya ka goostay sanadkii 2014.

Askarigaa booliska ah ee hore ayaa la sheegay inuu aad u tababaran yahay. Waxaa sidoo kale wararka barta HOL ay heshay ay sheegayaan inuu qorsheynayay ninkaasi inuu weeraro xero boolis oo kutaala magaalada Ruiru oo saaran wadada laamiga ah ee Thika Highway.

Si kastaba ha ahaatee ninkaa in lasoo xiro uma aysan suurta galin ciidamada booliska ayagoo sheegay inuu baxsaday asagoon wax hub ah sidan.

Kenya ayaa waxaa soo food saartay cabsi iyo weeraro is xigxigay tan iyo sanadkii 2011 markii ciidamada Kenya ee KDF loo diray gudaha Soomaaliya si ay Al-Shabaab ula dagaalamaan.