Xukuumadda Somaliland Oo Saaka Gollaha Wakiillada U Gudbisay Heshiiska Maalgashiga Dekedda Berbera.

0
Saturday August 06, 2016 - 15:47:41 in by salman abdi
  • Visits: 645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo Saaka Gollaha Wakiillada U Gudbisay Heshiiska Maalgashiga Dekedda Berbera.

    Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa ay saaka mudanaaysha gollaha wakiillada u soo gudbisey heshiiskii ay dhawaan xukuumadu la soo gashey shirkada Dp World kaas oo dhawaaan lagu ansixiyey shirkii golaha wasiirada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa ay saaka mudanaaysha gollaha wakiillada u soo gudbisey heshiiskii ay dhawaan xukuumadu la soo gashey shirkada Dp World kaas oo dhawaaan lagu ansixiyey shirkii golaha wasiirada.


OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Waxaa heshiiskaasi golaha saaka hor keenay gudida maalgalinta dekada Berbera oo kala ah wasiirka madaxtooyada , wasiirka qorsheynta , wasiirka arimaha dibada , wasiirka maaliyada , wasiirka warfaafinta iyo safiirka Somaliland ee dalka Imaaradka carabta.

Fadhiga saaka oo uu shir gudoominaayey gudoomiyaha golahaasi Cabdiraxmaaan Ciro oo ay hareero fadhiyaan labadiisa ku xigeen ayaa waxaa uu dareenka saaka ee golahu uu ahaa mid ka gadisan kuwii hore waxaana indhaha saxaafadu ay qaabanayeen xildhibaanada golahaasi oo gooni gooni iyo koox koox u faqaaya isla markaana waxa fadhigaasi ka soo xaadiray badiba xildhibaanada golahaasi.

Ugu horeyn waxaa golahaasi faah faahin buuxda ka siiyey xildhibaanada Wasiirka wasaarada arimaha dibadaSacad Cali Shire , wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan waxaana masuulyntani ka codsadeen xildhibaanada golaha wakiilada in heshiiskaasi loo ansixiyo si dalka loo maalgaliyo halkaas oo dhankooda xildhibaanada golahu halkaasi ku weydiyeen su,aalo ku saabsan arintan tas oo ay masuulyiintu si hufan uga jawaabeen .

Xildhibaanada Golaha wakiilada ayaa waxaa ay u balameen in ay heshiiskaasi maalmaha soo socda ay doodaan isla markaana cod gacan taag ah u qaadan kaas oo ay ku ansixin doonan ama ay ku diidi doonan.