Ujeedada Isku Soo Baxyo Maanta Ka Dhacaya Magaalada Istanbul Ee Dalka Turkiga.

0
Sunday August 07, 2016 - 09:44:03 in by salman abdi
  • Visits: 508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Isku Soo Baxyo Maanta Ka Dhacaya Magaalada Istanbul Ee Dalka Turkiga.

    Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta lagu qabanayaa isu soo bax weyn oo lagu cambaareyn doono isku-daygii afgambi ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta lagu qabanayaa isu soo bax weyn oo lagu cambaareyn doono isku-daygii afgambi ee

dalkaasi ka dhacay bartamihii bishii hore, isla markaana lagu xusuusan doono dadkii ku dhintay.

Waxaa isu soo baxa ka qeybgali doona madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyib Erdogan, iyo axsaabta mucaaradka marka laga reebo kuwa Kurdiyiinta.

_90700121_tu

Goobta uu ka dhacayo isu soo baxa ayaa waxaa lagu rakibay cod baahiyayaal waaweyn, ayadoona ammaanka la adkeeyay.

Isu soo baxa ayaa loo arkaa mid lagu muujinayo mindimadda shacabka dalkaasi wajahaya xilliga adag.

Inkastoo qaar ka mid ah dadka Turkiga ay ka xunyihiin qaabka ay dowladda uga jawaabtay isku-daygii afgembi, ayaa haddana waxa badankooda ay sheegayaan in ay difaacayaan dimuqraadiyadda ay haystaan.